Shakhtar Donetsk Vs Inter Milan, Hordhaca Kulankooda Champions league Guruub D, iyo Xidigaha maqan

Labada kooxood ee Shakhtar Donetsk iyo Inter Milan ayaa isku dayi doona inay ka soo kabsadaan guul- darrooyinkii Champions League ee furitaanka marka ay ku kulmayaan Ukraine.

Shakhtar ayaa ku bilaabatay ololaheeda Group D guuldarro 2-0 ah oo ka soo gaartay Sheriff Tiraspol 15kii Sebtember, halka Inter ay guuldarro 1-0 ah ka soo gaartay kooxda reer Spain ee Real Madrid qeybteedii furitaanka.

Wararka Labada Kooxood

Shakhtar Donetsk: Shakhtar ayaa rajeyn doonta in Mykola Matvienko uu diyaar u noqdo garoomada ka dib markii uu seegay kulankii ay ka badiyeen Veres Rivne isbuucaan.

Fernandes iyo Junior Moraes ayaa labaduba ka maqan soo dhaweynta Inter.

Inter Milan: Stefano Sensi, Arturo Vidal iyo Joaquin Correa ayaa dhammaantood seegi doona safarka ay ku tagayaan Ukraine, iyadoo maqnaanshaha xidiga dambe uu u saamaxayo Lautaro Martinez fursad uu kula sii ciyaaro Edin Dzeko.

Ma jiraan wax dhaawacyo cusub ah oo laga qabo barbaro 2-2 ah oo ay la galeen Atalanta Sabtidii.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Safka Shakhtar: Pyatov; Dodo, Marlon, Matvienko, Ismaily; Maycon, Antonio; Tete, Pedrinho, Marlos; Traore

Inter Milan: Handanovic; Skriniar, De Vrij, Bastoni; Darmian, Barella, Brozovic, Calhanoglu, Perisic; Martinez, Dzeko

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

kulankan ayaa noqondoono kulankii lixaad ee dhexmara Shakhtar Donetsk iyo Inter Milan tartamada Yurub, iyadoo kooxda reer Ukraine ay weli raadineyso guushii ugu horreysay kulankan (bar-baro 3 badin 2).

Inter Milan iyo Shakhtar Donetsk ayaa isku aaday isla Group -ka UEFA Champions League xilli ciyaareedkii labaad oo xiriir ah. Labadii kulan ee ay wada ciyaareen 2020-21 waxay ku dhammaadeen goolal la’aan, in kasta oo Inter ay isku dayday 32 darbo.

Shakhtar Donetsk ayaa dhalisay kaliya hal gool shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay Inter Milan, halka ay ku guuldareysteen inay dhaliyaan mid kasta oo ka mid ah seddexdii ugu dambeysay, kuwaas oo dhamaantood yimid tan iyo bilowgii 2020 (0-5 ee UEFA Europa League iyo laba barbaro goolal la’aan ah xilli ciyaareedkii hore UEFA Champions League).

Inter Milan ayaan laga badinin tartanka UEFA Champions League kooxaha Ukraine (badin 2 bar-baro 4), iyadoo dhammaan lixda kulan ay yimaadeen heerka guruubyada tartanka.

Shakhtar Donetsk Vs Inter Milan

Tartanka Champions league

Saacada (19:45pm Somalia) (18:45pm Yurub)

Garoonka NSK Olimpiyskiy, Kyiv

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com