Shahid Waxaa La weydiiyay Haduu Raali Ka Yahay In Xaaskiisa Saqdhexe Guriga Timaado, Filimada Sameyso, Ninkale La Haasawdo Iyo Jawaabaha Uu Ka Bixiyay!!

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Shahid Kapoor iyo Mira Rajput waxay is guursadeen 7 July 2015 markaaso ay noqdeen Mr and Mrs Kapoor waxaana hader u joogaan wiil iyo gabar lagu kala magacaabo Zain Kapoor iyo Misha Kapoor.

Lamaanahan waxay kamid noqdeen kuwa ugu caansan Bollywoodka qarnigan cusub misane iscalfadeen hadaba Shahid 2 maalin kahor wareysi uu siinaayey Hindustani Times waxaa lagu weydiyay suaalo xiiso leh.

Shahid waxaa la weydiiyay hadii xaaskiisa uu u ogolaanayo inee filimada sameyso, atoore kale hasaawe la jisho dhanka shaashada habeenkii shaqo kusoo daahdo saq dhexena guriga timaado waxuuna ku jawaabay sida tan.

“Aniga iyo Mira kaliya ma nihin nin iyo xaaskiisa oo kale sido kale waxaan nahay dad saaxiibo ah oo qalbiga iska aamineen run ahaantii hal daqiiqo xitaa kuma fikirin inee aniga i qayaaneyso iyadana ka daran ayee igu kalsoontahay.”

“Xoriyad marhore ayaan siiyay shaqadee doonto inee qabsan karto filim jilistana ku biiri karto go’aankaas iyadaa leh aniga marhore aan fasaxay balse dhibka jiraa waxuu yahay Mira ma jeclo shaqo banaanka ah marka laga reebo xayeysiin sameeynta.”

“Atiriisho inee noqoto xiiso uma qabto waxay jeceshahay inee ahaato xaas guri joogto ah anigase raali ayaan ka ahay shaqo walba oo Mira qabaneyso sidee doonto ha ugu mashquusho wax dhib ah kuma qabo.”


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII