Shacabka Muqadisho oo soo dhaweeyay xilka ka qaadista Kheyre, rajo cusubna soo gashay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

Shacabka ku dhaqan magalaada Muqadishu ayaa si degan oo ay ka muuqato kalsooni u soo dhaweeyay xil ka-qaadista lagu sameeyay Xasan Cali Kheyre. Wariyaha warkii.com ee magalaada Muqadisho oo socod ku maray maanta qaybo ka mid ah  magalaada Muqadisho ayaa sheegay in shacabka Muqadisho ay si buuxda u soo dhaweeyeen go’aanka uu qaatay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kalsooni kala noqoshada Xasan Kheye ee baarlamaanku sameeyay.

Hasan Cali Kheyre ayaa waxa ay shacabka Muqadisho ka aaminsan yihiin in uu ahaa shaqsi kibir badan, dhibaatooyin farabadana u gaystay shacabka ku dhaqan Magaalada Muqadisho, gaar ahaan dhanka isku socodka magalaada. Muse Cumar oo loo yaqaano Muse dhere kana gacansada magaalada Muqadisho ayaa yiri “ ilaah baan uga mahadclinaynaa in uu Xasan Kheyre na dhaafiyay, waxa uu ahaa nin maqano jooge ah, maalin kastaa waxa uu sameeyaa balan qaad mana oofiyo, mana fuliyo”.

Dhanka kala waxaa caawa ka socdo hoteelada Magaalada Muqadisho shirar gaar-gaar ah oo looga hadlayay sidii fududeyd, isla markaana farsamaysnayd ee lagu bixiyay Xasan Kheyre. Waxaana  kula kulnay hoteelada Xildhibaano siinayay Xasan Kheyre talooyin ah in uusan ka falcelin go’aankii Baarlamaanka.  Xildhibanaada ayaa dhamaantood isku raacay in Mustaqablak siyaasadeed ee Xasan Kheyre uu god ku dhacay, sida kaliya oo isku badbadin karaana ay tahay in uusan dagaal siyaasadeed ku qaadin madaxweynahihii isaga soo magacaabay.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Shacabka Muqadisho oo soo dhaweeyay xilka ka qaadista Kheyre, rajo cusubna soo gashay appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII