Sergio Ramos Mise Karim Benzema | Gareth Bale Mise Luka Jovic – Jamaahiirta Real Madrid Oo Doortay Xiddigii Ugu Fiicnaa Iyo Midkii Ugu Xumaa Xili Ciyaareedkan

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Real Madrid waa horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ee xili ciyaareedkan, waxaanay ku guuleysteen koobka ay labada sannadood ee xidhiidhka ah Barcelona qaadday, waxaase la isku waafaqsan yahay in Zinedine Zidane iyo xiddigihiiisu u qalmayeen inay koobka ku guuleystaan marka loo eego qaab ciyaareedka Barcelona.

Tobankii ciyaarood ee ugu dambeeyey ayay Real Madrid dhamaantood wada guuleystay, halka ay Barcelona ay lix ciyaarood guulo soo gaadhay, mid laga badiyey iyo saddex barbarro ahna raacsatay.

Karim Benzema ayaa goolasha ugu badan dhaliyey, waxaana ku xiga Sergio Ramos oo marka laga yimaaddo qaab difaacistiisa afka hore ee gool-dhalintana ka dhigay rikoodh.

Advertisements

Taageereyaasha Real Madrid ayaa afti laga qaaday waxay ku doorteen sida ay ciyaartoyda kooxdoodu u kala fiicnaayeen xili ciyaareedkan, waxaana laacibkii ugu liitay ay u doorteen Gareth Bale oo xataa kasii hooseeya James Rodriguez iyo Luka Jovic.

Wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa jamaahiirta Real Madrid u bandhigay foom ay ku qiimeeyaan ciyaartoyda kooxdooda, waxaana kaalinta koowaad kusoo baxay Karim Benzema oo ay taageereyaashu isku raaceen inuu yahay laacibkooda ugu wanaagsan xili ciyaareedkan, waxaanu ka sarreeyaa Sergio Ramos oo kaalinta labaad ku jira.

Goolhaye Thibaut Courtois oo qaab ciyaareed wanaagsan muujiyey ayaa kaalinta saddexaad soo cidhiidhsaday, halka Casemiro uu afraad soo galay, kana sarreeyo Toni Kroos iyo Fede Valverde oo shanaad iyo lixaad ku kala jira.

Halkan ka akhriso qiimaynta ay jamaahiirta Real Madrid ku sameeyeen ciyaartoyda kooxooda:

25. Gareth Bale

24. James Rodriguez

23. Luka Jovic

22. Lucas Vazquez

21. Nacho Fernandez

20. Eden Hazard

19. Brahim Diaz

18. Alphonse Areola

17. Mariano Diaz

16. Isco

15. Marcelo

14. Eder Militao

13. Marco Asensio

12. Rodrygo Goes

11. Vinicius Junior

10. Dani Carvajal

9. Ferland Mendy

8. Raphael Varane

7. Luka Modric

6. Fede Valverde

5. Toni Kroos

4. Casemiro

3. Thibaut Courtois

2. Sergio Ramos

1. Karim Benzema

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII