SAWIRRO: Weerar abaabulan oo ay Al-Shabaab la damac-saneyd ciidanka DFS oo la fashiliyey

Ciidamadda dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Hooose ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in ay ka hortageen weerar abaabulan oo ay Al-Shabaab u diyaarisay askartaasi.

Weerarka oo ay kooxdaasi ugu talogashay in ay u adeegsato walxo qarxa ayaa waxay ku aastay meel ku dhow bar-kontarool oo ay ciidanka ku hubiyaa gaadiidka isla markaana ay ka sugaan amniga degmadda.

Saraakiisha oo soo bandhigay sawiradda Miinada ayaa tilmaamay in ay kusoo war-geliyeen shacabka oo ay tibaaxeen in ay arkeen Al-Shabaab oo goobtaasi ku duugaya Miinadda, oo ah mid aad u weyn.

Shalay ayay ahayd markii iska hor-imaad khasaaro uu ka dhashay uu nawaaxiga Balcad ku dhex-maray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab, taasi oo dhalisay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here