SAWIRRO: Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo maanta gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo

0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa maanta gaaray degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Wasiirka oo qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku yiri, “Waxaan maanta soo gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo aan ka dhagax dhigi doono Dugsi lagu tababari doono macallimiinta Soomaaliyeed, kaas oo ahmiyad gaar ah u leh bulshada deegaanka”.

Wasiir Goodax ayaa waxaa Baardheere kusoo dhaweeyay Wasiirka Waxbarashada Jubbaland, Maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada bulshada deegaankaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here