SAWIRRO: Wasiirka Maaliyadda Oo Kormeeray Dhismayaal Muhiim Ah

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda fedraalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kormeeray xarumo muhiim ah oo dhismayaal ay ku socdaan kuwaas oo ah dhismayaal ay leedahay wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Xarumaha uu kormeeray Wasiirka ayaa kala ah dhismaha cusub ee Machadka Barashada Canshuuraha, iyo dhismaha Wejiga 2-aad Wasaaradda Maaliyadda oo dhawaan soo gaba-gaboobaya sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle.

Dhinaca kalana waxa uu la kulmay Enjinerada iyo shaqaalaha gacanta ku haya dhismayasha isaga oo ka xog waraystay halka ay u marayaan maadaama ay dhamaan xarumahaan ay yihiin kuwo muhiim u ah shaqada Wasaaradda iyo Canshuurta dalka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa isaga oo ka hadlayay ahmiyadda ay wasaaradda u leeyihiin dhismayaashaan waxa uu yiri “Wasaaradda Maaliyadda iyo Machadka Canshuuraha waa labo dhismo oo muhiim u ah shaqada Maaliyadda Dalka”

Ugu dambayntii Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa tilmaamay Dhawaan in ay soogaba-gaboobi doonaan dhismaha ku socda xarumahaan.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here