Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay, kadib shil gaari oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay duleedka Garoowe ee xarunta Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in shilka uu yimid, kadib markii ay isku dhaceen shan gaari oo nooca xamuulka qaada ah , kuwaas oo marayey deegaanka lagu magacaabo Shire oo qiyaastii 150 km u jira magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in labada qof ee ku dhintay shilkaasi uu mid ka mid ah uu weli ku hoos jiro gaari rogmaday.

Waxaa sidoo kale shilkan ka dhashay khasaare hantiyeed oo aad u fara badan, waxaana burburay dhammaan alaabtii ay wadeen gawaarida isku dhacday.

Goobta uu shilku ka dhacay waxaa gaaray dadweyne iyo mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, si gurmad loogu sameeyo dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa deegaanada Pubntland ku soo badanayey shilal gaari, iyada oo loo sababeynayo darawallada oo si xawli ah u kaxeynaya baabuurta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here