SAWIRRO: Safiiro Ka Socda Laba Dal Oo Gaaray Magaalada Baladweyne

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta waxaa gaaray Safiirada Qatar iyo Turkiga Soomaaliya ee Hassan hamza asad Hashem iyo Mehmet Yilmaz.

Wafdiga Safiirada ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Xukuumadda Federaalka Eng Cabdi Canshuur Xasan, waxaana Garoonka diyaaradaha Baladweyne kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Mas’uuliyiin kale.

Safiirada Qatar iyo Turkiga Soomaaliya ayaa kulan Magaalada Baladweyne kula qaatay Wasiiro ka tiran Dowladda iyo Hirshabeelle, iyagoona ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay Fatahaada Wabiga Shabeelle.

Sidoo kale Madaxdan ayaa ka wada hadlay halka uu marayo Gurmadka loo sameeynayo dadkii uu Baladweyne ku sameeyay fatahaada Wabiga, waxaana ay Mas’uuliyiinta isla garteen in la dardar geliyo arrimaha Gurmadka.

Dowladdaha Qatar iyo Turkiga ee taareetra Soomaaliya ayaa ka qeyb qaadanay gurmadka loo sameenayo dadkii ay samaayeen fatahaada Wabiyada Jubba iyo Shabeelle, kuwaasi oo fatahaado ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolada dalka .

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here