SAWIRRO: Qoor Qoor & A/Madoobe oo hal arrin darteed u gaaray Garoowe

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.

Garoonka diyaaradaha Garoowe ayaa waxaa Maadxweyneyaasha maamulada kusoo dhaweeyay Madaxweynaha puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas iyo xubno ka tirsan Maamulkaas.

Ujeedka Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada ee Garoowe ayaa waxaa uu yahay sidii uu halkaas uga qeyb geli lahaayeen aaska Allah ha u Naxariistee Ra’iisul Wasaarahii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynahii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Dhinaca Garoowe ayaa Madaxda maamulada uga soo sii horreeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi, isagoo halkaas maanta ka qayb gelaya Aaska Qaran ee loo samaynaayo Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII