Sawirro: Miyuu Kylian Mbappe Seegayaa Champions League Ka Dib Musiibadii Ku Dhacday Caawa?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Kylian Mbappe ayaa shaki weyn uu ku jiraa inuu ciyaari karo Champions League ka dib markii lagu sawiray isagoo biro ku booday iyadoo PSG ay ku guuleysatay koobka Coupe de France.

Xiddiga PSG ayaa oohin uga baxay garoonka ka dib markii taakal xun lagu sameeyay taasoo sababtay inay isku dhacaan ciyaartoyda labada kooxood ee ku ciyaarayay garoonka Stade de France.

Kylian Mbappe is a major Champions League doubt after he was spotted hobbling on crutches in the Coupe de France final

Kylian Mbappe is a major Champions League doubt after he was spotted hobbling on crutches in the Coupe de France final

Kabtanka Saint-Etienne Loic Perrin ayaa casaan la siiyay ka dib qaladkii xumaa uu ku galay Mbappe iyadoo PSG ay ku guuleysatay koobka iyagoo uga mahadcelinaya gool uu u dhaliyay Neymar.

Advertisements

Ka dib daqiiqadii 31aad ee ciyaarta iyadoo 1-0 ay ku hogaamineyso PSG, Mbappe ayaa kubad u la dhaqaaqay dhanka goolka Saint-Etienne.

Mbappe was forced off at the Stade de France by a horror tackle

Mbappe was forced off at the Stade de France by a horror tackle

Si kastaba, daafaca dhexe ee waayo araga ah Perrin ayaa qalad xun ku galay 21 jirkaan isagoo jilibkiisa hoos geliyay canqowga Mbappe.

Mbappe ayaa xanuun saa’id ah dareemay iyadoo ciyaartoyda PSG ay si carro leh uga jawaab celiyeen.

Waxaa meesha ka baxay sharcigii kala fogaanshaha iyadoo ciyaartoyda ay bilaabeen inay is riixriixaan.

Kylian Mbappe was sent flying across the Paris pitch by the tackle

Kylian Mbappe was sent flying across the Paris pitch by the tackle

Garsoore Amaury Delerue ayaa dejiyay xaalada isagoo xitaa calaamada digniinta siiyay Marco Verratti kaasoo fadhiyay kusiga keydka PSG.

VAR ayaa dib u eegis ku sameysay dhacdada, waxayna keentay in garsoore Delerue inuu casaan siiyo kabtanka Saint-Etienne kaasoo isna ka xumaaday inuu kooxdiisa lug ka jabiyay.

The striker looked devastated and was in tears as he was taken off

The striker looked devastated and was in tears as he was taken off

Dhanka kale Mbappe ayaa garoonka ka baxay isagoo ooyaya, waxaana bedelay Mauro Icardi.

Kulankaan waxa uu ahaa kulankii ugu horeeyay ee tartan rasmi ah ee dalka Faransiiska la ciyaaro ka dib markii la kansalay xilli ciyaareedka horyaalka, waxaa garoonka qaranka loo ogolaaday shan kun taageerayaaal ah kuwaasoo sharciga kala fogaanshaha ilaaliyay.

Saint-Etienne stars brawled with their PSG counterparts after Loic Perrin's X-rated tackle

Saint-Etienne stars brawled with their PSG counterparts after Loic Perrin's X-rated tackle

Kulanka xiga ee Paris Saint-Germain waxay la ciyaari doontaa kooxda Lyon finalka Coupe de la Ligue final iyagoo isha ku haya inay isku qaadaan seddexda koob ee maxaliga ah, laakiin waxay walwal ka qabaan in Mbappe uu taam u noqon doono kulanka wareega 8da Champions League ee ay la ciyaarayaan Atalanta.

Kulankaas waxa uu magaalada Lisbon ka dhacayaa 12ka Agoosto.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII