SAWIRRO: Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Gaaray Degmada Xudur

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool,iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Lafta-gareen iyo Wafdiga la socda ayaa horudhac u ah Safarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya uu saacadaha soo socoda ku tegayo Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Qabanqaabada soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa haatan ka socota Degmada Degmada Xudur,waxaana bartamaha Magaalada lagu arkayaa,boqolaal dadweyne oo isu diyaarinaya soo dhaweynta Xasan Cal Kheyre.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa markii uu tago Xudur waxaa uu halkaasi ka dhagax-dhigi doonaa mashaariicyo hormarineed,isaga oo sidoo kale booqan doona Xerooyinka Ciidamada Dowladda & kuwa Kooonfur Galbeed.

Ammaanka guud ee Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,waxaana Wadooyinka ku yaalla halkaas lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo howlgal baaritaano ah ka wada,isla markaana xiray qaar kamid ah Wadooyinka muhiim ah.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here