Sawirro: Madaxda maamul goboleedyada dalka oo xalay shir gaar ah yeeshay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Dhuusamareeb (warkii.com) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan gaar ah oo xalay madaxda maamul goboleedyada dalka ay ku yeesheen gudaha magaalada Dhuusamareeb ee warkii.com dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ahaa ayaa ahaa kan rasmiga ee dowlad goboleedyada, isagoona ahaa miday albaabada u xiran yihiin.

Ilo ku dhow shirkaas ayaa warkii.com u sheegay in diirada lagu saaray xaaladda adag ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo ay ka doodeen madaxda ku shirsan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Dabaraani oo xalay saq-dhe la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey kulankaasi, wuxuuna tilmaamay in madaxda maamul goboleedyadu ay ka doodeen xaaladda dalka, gaar ahaan marxaladda kala guurka ah.

“Shirka Rasmiga ah ayaa ka furmay Magaalada Dhuusamareeb, 11-ka July madaxdu waxa uu u ahaa hadal jeedinta iyo soo bandhigista khudbadaha ku saabsan xaaladda dalka, waxa ay ka doodi doonaan madaxda xaaladda dalka guud ahaan, gaar ahaan Doorashada iyo kala guurka” ayuu yri Afhayeenka Madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland.

Si kastaba ha’ahaatee madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ee dalka oo shalay jeediyey khudbado xasaasi ah ayaa waxay ka hadleen arrimaha doorashada ee 2020/21.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII