SAWIRRO: Lafta-gareen oo safarkii ugu horeeyay ku gaaray Dh/mareeb & Ujeedkiisa oo..

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafagareen iyo wefdi uu hogaaminayay ayaa goordhow waxa ay ka degeen garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb halkaas oo si aad ah loogusoo dhaweeyay.

Madaxweynaha Galmudug iyo xubno kale ayaa garoonka kusoo dhaweeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed iyada oo loosii gelbiyay qasriga madaxtooyada maamulka Galmudug oo uu kagasii horeeyay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Dhinaca kalana waxaa goordhow lagu wadaa in madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb,deetana laguda galo shirka madaxda maamul gobaleedyadu ku ballameen.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb isaga oo xalay kulamo kala duwan la qaatay madaxweynaha martida loo yahay ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII