SAWIRRO: Guddoomiye Muudey Oo Kulan La Qaatay Madaxda Hirshabeelle Iyo K/Galbeed

Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Ahna Gudoomiye Kuxigeenka 1aad Golahaha Shacabka Mudane Cabdi wali ibraahim Sh.Mudey ayaa kulan casho sharaf ah u sameeyay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta Gareen) Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeele Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Kulankan ayaa ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada Ee Villa Hargeysa ayaa ahaa mid isxog-wareeysi iyo soo dhaweyn Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Hir-shabeelle oo Maalmahaan ku sugnaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha guud ee deegaanada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo ay ka socdaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab,kuwaasi oo wadaan Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku sugnaa Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdiqadir Sharif Sheekhuna Maye.

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here