SAWIRRO: Duqa Muqdisho Oo Kormeer Amni Xalay Ka Sameeyay Muqdisho

Waxaa Xalay howla kormeer ah ku sameeyay degmooyinka Shibis, Boondhere, Shangaani iyo Kaaraan kaas oo ujeedkiisu ahaa mid aan ugu kuur galayay sida ay maamulada degmooyinka iyo saraakiisha amniga ee saldhigyada ay habeen ula falgalaan howlaha amniga.

Kormeerka aan ku sameeyay degmooyinka waxaa igu wehlinayay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasada gobolka Banaadir iyo masuuliyiin ka socotay xafiiska Madaxweynaha JFS iyo xafiiska ra’isul wasaaraha dalka.

Kormeer kaan dhinaca ammaanka ee uu sameeyay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya xili muddooyinkaan dambe uu soo hagaagayo amaanka magaalada in kasta oo mararka qaar ay dhacayaan falal amniga liddi ku ah.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here