SAWIRRO: Ciidan Tijaabo Culus Maray Gudaha Turkiga Oo Soomaaliya Loo Diyaariyey

0

Sida ka muuqata dedaalka Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya waxa socda tababar ciidamada Qalabka Sida lagu siinayo Gudaha Dalka iyo Dibadiisa.

Wasaarada Difaaca ayaa heshiisyo iyo Is afgarad intuba la gashay qaar ka mid ah Waddamada Caawimaada dhinaca Meliteri siiya Soomaaliya.

Dawladaha Talyaaniga,Turkiga,Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa waxay yihiin kuwo Ciidamada tababarkooda ka taageera Soomaaliya.

Sidaas oo kale Ilkaaniyaat-ka Ciidamada iyo Mucaskaraadkooda waxa iyaguna ka taageera Midowga Yurub kuwaasi oo la tilmaamay in dhaqaale badan ay sanad walbo ku bixiyaan.

Dawlada Turkiga ayaa bilaabay Tababar Culus Oo ay siinayaan Guuto loo diyaarinayo Kumaandoosta Soomaaliya kuwaasi oo noqonaya kuwa dalaayadaha ku booda.

Dhoolatus ay soo bandhigeen ayey tijaabadii ugu horeysay ku guuleysteen kuwaas oo carbis culus la marsiiyey,islamarkaana Tababarayaasha ay sheegeen in ay noqon doonaan kuwo Dalka Difaacooda ka qeyb qaata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here