SAWIRRO: Banaanbaxyo Rabshado Wata Oo Ka Socda Magaalada Garoowe

Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa Maanta waxaa ka socda Banaanbaxyo rabshado wata oo looga soo horjeedo Dil qof shacab ah loogu geystay gudaha Garoowe.

Dadka Banaanbaxa dhigaya oo isugu jira Caruur, Dhalinyaro, Haweeyn, iyo Ardayda wax kabarata Iskuulada ku yaalla halkaas ayaa isugu soo baxay bartamaha Garoowe,iyagoona aad uga careysan dilkii loo geysta qof kamid ah dadka deegaanka oo ka dhacay halkaas.

Sidoo kale Banaanbaxayaasha ayaa bartamaha Magaalada ku gubaya taayaro waaweyn,waxaana hakad ku jira isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga, iyagoona xiray qaar kamid ah Waddooyinka ku yaalla Garoowe.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah oo ay ridayaan Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Maamulka Puntland.

Si kastaba Banaanbaxaan ayaa waxaa uu yimid kadib qof shacab ah xalay lagu toogtay Garoowe,iyadoona aan weli la ogeyn ragii ka dambeeyay dilkaas ka dhacay Magaalada Gaoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here