SAWIRO: Wafdi hordhac u ah safarka madaxweyne Farmaajo oo gaaray Dhuusamareeb.

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Dhuusamareeb (warkii.com) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu maanta gaaro magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wafdi hordhac u ah safarka madaxweynaha ayaa gaaray Dhuusamareeb, waxaana hogaaminaya agaasimaha madaxtooyada Abdinuur Maxamed Ahmed oo bartiisa kusoo daabacay qoraal iyo sawiro uu ku muujinayo iney hordhac u yahin wafdiga madaxweynaha ee maanta galinka dambe gaaraya halkaas.

Qoraalka uu soo dhigay agaasimaha madaxtooyada wuxuu u qornaa sidan:

Dhuusamareeb ayaan soo gaarnay annaga oo hordhac u ah wafdiga Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo galabta kusoo wajahan Galmudug.

Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyne K/Xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid iyo xubnaha ka tirsan Golaha Wasiirada ee sida diirran noogu soo dhaweeyay Madaxtooyada Galmudug.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII