Sarkaal Shabaab ah oo ku dhintay qarax uu diyarinayey

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Mandera (warkii.com) – Sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa ku naf waayey qarax uu ku diyaarinayey meel ku dhow xuduudka Soomaaliya, gaar ahaan nawaaxiga Mandera.

Ninkaasi ayaa waxa ku qaraxday miino uu rabay inuu ku aaso deegaankaasi oo lagu magacaabo Geneva, sida uu xaqiijiyey taliyaha booliska waqooyi barri, Rono Bunei.

Bunei ayaa sidoo kale sheegay in qaraxa miinadaasi aysan wax khasaare ah kasoo gaarin shacabka ku nool deegaankaasi, balse uu ka naf waayay ninkii maleegayay.

Taliyaha ayaa nasiib darro ku tilmaamay inaysan joojin karin falalka noocan ah ee ay kooxaha argagixisadu qaraxyada ugu aasan, balse ay xoojinayaan amniga waddooyinka ay ku socdaalan saraakiishu oo inta badan lala beegsado qaraxyadaasi, iyaga oo gacan ka helaya dadweynaha.

“Waxaan rumeysanahay in uu doonayey in uu ku beegsado saraakiisha ciidamadda ee adeegsaneysa degaanada miyiga, balse miinada waxay dishay naftiisa” ayuu yiri Taliye Rono Bunei.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waa run ma joojin karno dhacdooyinkan oo kale. Balse, annagoo kaashaneyna dadweynaha waxaan ku dedaaleynaa in aan xaqiijino amniga wadooyinka”.

Taliyaha ayaa ugu dambeyntii sheegay inay kordhiyeen howl-galada ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo Al-shabaab, iyaga oo dhawaan gacanta kusoo dhigay labo ruux oo ku howlanaa qarax iyo walxihii ay u adeegsanayeen.

Ilaa iyo haddana majiro wax war ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan qorshahooda fashilmay iyo sheegashada ciidamada Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa iyadu mararka qaar weeraro iyo qaraxyo ka fulisa gudaha Kenya, kuwaasi oo ay ku bartilmaamedsato saraakiisha ciidamada Kenya iyo xubno kale oo muhiim ah.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII