Sarkaal ciidan oo lagu toogtay Muqdisho & wararkii ugu dambeeyey

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Muqdisho (warkii.com) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil saacaihii la soo dhaafay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda loogu geystay duleedka Muqdisho.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim, kaas oo ay fuliyeen rag hubeysan, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda dilka fulisay oo ku hubeysnaa bistoolado ay goobta isaga baxsatay falka kadib.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ilo wareedyo ayaa warkii.com u sheegay in marxuumka la dilay uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga dowladda, basle waxaa dilkaasi sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa sii kordhayey dilalka ka dhanka askarta iyo saraakiisha ciidanka dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII