Saraakiishii Al-Shabaab ee lagu qabtay weerarkii Awdheegle oo la keenay Muqdisho

Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu qabtay weerarkii shalay ka dhacay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Taliyaha Ciidanka Lugta General Yuusuf Raage Odawaa oo lahadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in degmada Owdheegle yaaliin meydadka raggii weerarka soo qaaday ee ka tirsanaa Al-shabaab.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in Rag ka tirsan Al Shabaab ay ciidamada Dowlada ku qabteyn degmada Awdheegle ee uu wararka ka dhacay.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in raggii Al-Shabaab ee lagu qabtay weerarkii Awdheegle loo soo qaaday magaalada Muqdisho,islamarkaana lagu xiray mid ka mid ah saldhigyada Nabada sugida Muqdisho.

Si dhab ah looma oga Al-Shabaab la soo qabtay iney yihiin dad saameyn leh oo Dowladda ay raadineysay iyo dhalinyaro la soo qalday oo dagaalka lagu qabtay.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa dhawaan Al-Shabaab kala wareegay degmada Adheegle, waxyan weeraro xoogan kala kulmayeen malmihii aynu ka soo gudubnay dagaalyahano ka tirsanAl-shabaab.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here