Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya oo ka hadlay diyaaradii ku burburtay B/Weyne

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

Ambassadoor Kornayl Lukas Tumbo oo ah Safiirka Kenya ee  u fadhiya dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay diyaaradii  bartamihii bishaan ku burburtay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne.

Safiir Lukas Tumbo  oo  wareysi siiyay Wargeyska  caanka ahj ee Maalinlaha ah ee loo yaqaano Daily Nation  ayaa ka hadlay burburka diyaaradda, waxa uuna   sheegay in ay socdaan qorshooyin lagu baari doono Sanduuqa Madow ee ku xirnaa diyaaradii xamuulka aheyd ee ku burburtay Garoonka Baladweyne, xili ay dooneysay inay ku Garoonkaas.

Dhanka kale Safiirka ayaa sheegay  in Sanduuqa Madow iyo qalabkii kale ee wax duubayay ee diyaaradda ku rakibnaa loo duulin doono Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, si baaritaano kala duwan loogu sammeeyo Xogta ku duuban kuna aadan xiligii ay diyaaradda burbureysay.

Kabtankii diyaarada waday ayaa isna ka hadlay sababta bur-burka keentay  waxa unna  sheegay in burbuurka diyaaradda uu dhacay  kadib xili ay dooneysay diyaaradda inay ku degto halka dhabbaha ay Cagadhigtaan diyaaradaha Garoonka Ugaas Khaliif uu mar qura halkaas soo galay Dameer socday, sidaasina ay diyaaradda ku burburtay, dabna uu ka kacay.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya oo ka hadlay diyaaradii ku burburtay B/Weyne appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII