Safaarada Mareykanka ee Somalia oo War Cad kasoo saartay weerarkii Alshabaab ee Saldhigga Ballidoogle

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa war kasoo saartay weerarkii Alshabaab maanta ku qaadeen Saldhiga Ballidoogle ee Gobolka Sh/Hoose oo ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka ee Somalia ka howlgala.

Dowladda Maraykanka waxa ay cambaareynaysaa weerarrada maanta ka dhacay Balidoogle iyo Muqdisho. Waxaan amaaneynaa ciidamada Soomaaliyeed oo ka hortegay weerarka lagu soo qaaday fariisiinka ciidanka Soomaaliyeed uu ku lahaa Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada oo ahaa kuwo feejignaan muujiyey ayaa ku guuleystay inay ka hortagaan wareerka fashilmey, oo aan u oggolaanin kuwa weerarka soo qaaday inay jebiyaan darbiga difaaca ee saldhigga. Waxaan ku faraxsannahay in aysan jirin qasaara kasoo gaarey labadii weerar ciidanka xoogga dalkaayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda Mareykanka.

Safaaradda waxay sheegtay in weerarkan uu mar kale muujiyey in Al-Shabaab ay carqalad ku yihiin horumarka, nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya. Dowladda Maraykanka waxa ay xaqiijineysaa dadaalka xooggan ay siineyno dadka iyo xukuumadda Soomaaliyeed anigo oo gacan ka geysaneyno dadaallada wadajirka ah taaso lagu doonaayo in logu baabi’iyo kooxaha argagixisada iyo dhisida dal xoog leh oo dadkiisa ku horseedo barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan..ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda Mareykanka ee Somalia.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here