SADDEXDII Libaax Ee Blues Ka Caawiyey Guusha Iyo Qiimaynta Kulankii Chelsea & Wolves

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Chelsea ayaa 2-0 ku dhaaftay Wolves waxaanay xaqiijisatay booskeeda Champions League ee xili ciyaareedka dambe, iyadoo kaalinta afraad kaga soo baxday horyaalka Premier League.

Laba gool oo daqiiqaddii ugu dambaysay qaybta hore ay kala dhaliyeen Mason Mount iyo Olivier Giroud ayaa Chelsea ka caawiyey guusha, waxaanay natiijadu musiibo ku noqotay Wolves oo ay burburtay riyadoodii tartanka Europa League ee ay filayeen inay xili ciyaareedka dambe ka qayb-galaan.

Mount oo qaab ciyaareed layaab leh kusoo jiray, isla markaana lugtiisa kaga reebay Manchester United tartanka FA Cup laba toddobaad ka hor, waxa uu kooxdiisa u dhaliyey goolka hore daqiiqaddii ugu dambaysay qaybtii hore.

Advertisements

Chelsea oo aanay wali kasii dhamaanin farxadda goolka hore ayaa taabashadii u horreysay ee kubadda haddana heshay goolka labaad oo uu dedaal xooggan geliyey Olivier Giroud, waxaanay taasi keentay in qaybta labaad oo dhan ay Frank Lampard iyo xiddigihiisu qaab degganaan oo cabsi la’aan ah ku ciyaaraan.

Xiddigii garoonka iyo libaaxyadii ciyaarta ee guusha siiyey Chelsea

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Chelsea ee Mason Mount ayaa loo doortay xiddigii ugu wanaagsanaa ciyaarta, waxaana soo raacay laba ciyaartoy oo kale oo kula biiray liiska libaaxyada ciyaarta.

Mason Mount waxa uu dhaliyey gool uu kalsoonidiisa horeba u siiyey Frank Lampard oo ku dhiirigeliyey inuu kubbadaha ku toogto goolka, hase yeeshee Olivier Giroud ayaa isaguna khibraddiisa u isticmaalay inuu warqadda goolasha isku qoro.

Kovacic ayaa isaguna halbowle ka ahaa khadka dhexe oo noqday ciyaartoyga saddexaad ee ugu wanaagsanaa kulanka, waxaanay saddexdooduba heleen isku qiimayn, laakiin waxa xiddignimada la siiyey Mason Mount.

Qiimaynta ciyaarta ayay Mount, Kovacic iyo Giroud ka heleen min darajada 8, laakiin ciyaartoyda kooxda Chelsea ayaa dhamaantood wada wanaagsanaa, waxaanay inta kale oo dhan heleen min 7 marka laga reebo kuwii beddelka kusoo galay.

Qiimayntii guud ee kulanka

Chelsea: Caballero (7); Azpilicueta (7), Zouma (7), Rudiger (7), James (7), Jorginho (7), Kovacic (8), Alonso (7), Pulisic (7), Giroud (8), Mount (8).

Beddelka: Hudson-Odoi (6), Abraham (6), Pedro (n/a), Loftus-Cheek (n/a), Barkley (n/a).

Wolves: Patricio (6), Saiss (6), Coady (5), Boly (6), Doherty (6), Neves (6), Dendoncker (6), Jonny (5), Neto (5), Jimenez (5), Jota (5).

Beddelka: Traore (6), Moutinho (6), Podence (6), Vinagre (5), Jordao (n/a)

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII