Sababtii Uu Ku Fashilantay Heshiiskii Is Dhaafksiga Ahaa Ee Juventus & Barcelona Oo la Ogaaday

Wargayska Mundo Deportivo ayaa kashifay sababtii ay ku fashilmeen heshiiskii is dhaafsiga ahaa ee ay kooxaha Barcelona iyo Juventus is dhaafsanayeen saxiixa xiddigaha khadka dhexe ee Ivan Rakitic iyo Federico Bernardeschi intii uu furnaa suuqii xagaaga.

Kooxda Juventus ayaa isku dayday in ay la soo saxiixato xiddiga khadka dhexe ee Ivan Rakitic intii lagu jiray suuqii xagaaga iyaga oo Barcelona u soo bandhigay badalkiisa xiddiga Federico Bernardeschi.

Juventus ayaa xitaa Rakitic ku qancisay in uu ku biiro kooxdooda kadib markii kaydka la dhigay 3-dii kulan ee ugu horeeyay horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan.

Laakiin wargayska ayaa sheegaya in ay wadahadaladu bur-bureen markii ay kooxda Juventus Barcelona ka dalbatay lacag dhan 23 milyan oo euro si ay u helaan saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Federico Bernardeschi taas oo ay Barcelona u aragtay mid ka bad-badis ah qiimaha ay xiddiga dul dhigtay.

Inkasta oo ay Barcelona aqbashay in da,da u dhexaysa labada xiddig aad u kala weyntahay Rakitic-na ku jiro wakhtigii ugu dambeeyay ee xirfadiisa Federico Bernardesch-na yahay xiddig da,yar ah hadana waxa ay diiday qiimaha ay Juventus dul dhigtay madaxa xiddiga marka loo eego in uu xiddigu dalbanayay lacag dhan 6 milyan oo euro mushahar sanadkii ah.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here