Sababtii Rasmiga Aheyd Ee Ay Hugo Lloris Iyo Son Heung-min Ugu Dhex Dagaalameen Garoonka Oo La Shaaciyay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Hugo Lloris ayaa sameeyay arin si weyn loo hadal hayo intii ay socotay kulankii ay Tottenham ka badisay Everton isagoo garoonka dhexdiisa kula dagaalamay Son Heung-min.

Kulankii shalay ee ay kooxda Jose Mourinho 1-0 ku badisay waxaa hareeyay muran dhexmaray labada xiddig iyadoo The Special One uu ku tilmaamay mid qurux badan.

Dagaalka labada ciyaaryahan ayaa imaanaya iyadoo cadaadiska uu ku sii kordhayo Tottenham madaama la joogo gabagabada xilli ciyaareedka.

Isagoo hadlayay ka dib ciyaarta, kabtanka Tottenham Lloris ayaa ku sharaxay dagaalka mid caadiyan ka dhaca qolka labiska inkastoo aan inta badan lagu dhex arkin garoonka.

Wuxuu sheegay in caradiisa ay ka danbeysay ka dib markii uu xiddiga reer South Korea Son ku guuldareystay inuu kubada raacdo oo uu kubada u soo celiyo Tottenham dhamaadkii qeybtii hore.

Lloris ayaa yiri: “Wixii ina dhexmaray aniga iyo Sonny waxay qeyb ka yihiin kubada cagta. Wax dhibaato ah inama dhextaalo.

“In fursad nagala helo ilbiriqsiyadii ugu danbeysay qeybtii hore madaama uu kubada raacan waayay ayaa si weyn ii dhibtay.

“Laakiin waa qeyb ka mid ah kubada cagta – dhibaato ma jirto. Hore ayaan uga soconeynaa”

Mourinho ayaa dhacdadaan ku tilmaamay mid qurux badan. Sida uu Mourinho sheegay ciyaartoyda Tottenham ayaa isla gartay ka dib guuldaradii ka soo gaartay Sheffield United inaysan u dulqaadan doonin is dhigasho sida Lloris uu ka dareemay Son.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII