Sababta Man United Looga Adkaaday Tartanka Saxiixa Xiddiga Mucjisada Ah Jude Bellingham Oo La Ogaaday & Dortmund Oo Markii 2aad Garaacday Red Devils

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Juse Bellingham ayaa tagay xarunta tababarka Borussia Dortmund isagoo heshiis 23 milyan ginni ah uga soo wareegaya Birmingham City wuxuuna Dortmund u saxiixay heshiis shan sannadood ah.

17 jirkaan ayaa iska diiday xiisaha Manchester United si la mid ah Chelsea, Real Madrid iyo Bayern Munich.

Bellingham ayaa la sheegay inay soo jiidatay taariikhda ay Dortmund u leedahay inay dhisto xiddigaha soo korraya iyo inuu boos joogta ah ka heli karo kooxda Jarmalka.

Advertisements

Sida uu sheegay khabiirka suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano, 17 jirkaan ayaa dhameystiray tijaabada caafimaadka isagoo saxiixay qandaraas dhacaya sannadka 2015.

Bellingham ayaa xor u ah inuu saxiixo qandaraas xirfadlenimo ah madaama 17 jir noqday 30kii bishii Juun.

Inkastoo uu garoonka tababaraha Man United ku soo wareejiyay Sir Alex Ferguson bishii March, ciyaaryahanka iyo qoyskiisa ayaa dareemay in Dortmund ay tahay meesha uu ku soo bixi karo.

United ayaa aragtay sidoo kale inay kooxda Jarmalka ka dulqaaday saxiixa weeraryahanka reer Norway Erling Haaland bilowgii sannadkan.

Dortmund ayaa xiddiga Ingariiska Bellingham ku heshay lacag jaban iyadoo Birmingham ay soo diiday 30 milyan ginni oo ay ka gudbiyeen xiddigaan bishii Janaayo.

Labo bilood ka dib, Dortmund, United iyo Chelsea ayaa diyaar u ahaa inay bixiyaan 35 milyan ginni oo kaash ah iyo 15 milyan ginni oo ku xiran qaab ciyaareedkiisa.

Laakiin caabuqa Korona Fayras ayaa sababay hoos u dhac dhanka qiimaha suuqa kala iibsiga, taasoo la micno noqotay inay Birmingham City aqbasho kaliya 23 milyan ginni.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII