Joseph Biden ayaa la xaqiijiyey inuu ku guuleystay xilka madaxweynenimo ee dalka mareykanka asagoo guul taariikhi ah kagaaray madaxweyne Donald Trump oo ay siweyn u loolameen. Biden waa rug-cadaa kusoo gaamuray siyaasadda dalka Mareykanka, asagoo xilka aqalka sare ee senatorka dalkaas kumatalay deegaanka uu kasoo jeedo ee Delaware lagasoo bilaabo sannadkii 1972-2009-kii, markaas oo loo doortay xilka madaxweyne kuxigeenka dalkaas.

Biden oo taqasus-kiisa waxabarasho uu yahay sharciga, ayaa mudadii uu ahaa mudane katirsan aqalka sare lagu bartay codkarnimo iyo inuu heli ogyahay doodaha kalfadhiyada, asagoo meel adag ka istaagay dagaaladii Mareykanku kawaday Vietnam taageerayna in lagasoo saaro ciidamada Mareykanka dalkaas, sidookale waxuu ahaa gayfane u ololeeya xaquuqda aadanaha, helida adeeg caafimaad oo lacag la,aan ah,  dhowrista deegaanka iyo qaadista canshuur loo siman yahay oo laga qaado dadka tujaarta ah iyo saboolkaba.

Biden ayaa dhanka kale xiligii uu kamid ahaa gudiga siyaasada arrimaha dibeda ee aqalka sare aad ugasoo horjeeday dowladii midab takoorka ee ka arriminaysay dalka South Afrika, asagoo aad u dhaliili jiray siyaasada arrimaha dibeda Mareykan ee kuwajahan S/Afrika. Biden ayaa sidookale markii hore aad u taageeray qorshihii lagu weeraray Iraq ee meesha looga saaray Saddam Hussein balse markii danbe ku sifeeyay qalad weyn oo lagu dhacay.

Kahor inta uusan kuguulaysan ololaha doorasho ee xilka madaxweynimo 7-dii November 2020-ka, Biden waxuu xilka madaxweynenimo iskusoo sharaxay sannadadii 1987-dii balse ololihiisa ma noqon mid najaxa, markale 2008-dii waxuu iskusoo sharaxay doorashada xisbigiisa markan wuu awoodi waayey inuu u babac-dhigo ololihii musharaxiintii kula loolamayey xisbigiisa ee Barack Obama iyo Hilary Clinton sidaasna ugu hungoobay mar labaad hankiisii. Kadib 8 sanno oo uu ahaa madaxweyne kuxigeen iyo 4 sanno oo diyaar garoow xoogan ah, xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga dimoquraadiga ayaa gartay inuu Biden yahay musharaxa ugu mudan ee la tartami kara meeshana kasaari kara madaxweyne Trump, taasoo olole xoogan oo lagusoo jiitay mujtamaca kala diimaha, isirka iyo rabitaanka duwan ee Mareykanka kadib miro-dhalay kana dhigay madaxweynihii 46-aad ee Mareykanka.

Doorkii maamulkii Obama iyo Biden ee dunida islaamka

Maamulkii madaxweyne Obama oo uu Biden qeybta ka ahaa ayaa dunida Islaamka la lahaa xiriir isku dhafan oo dhinac ka wanaagsan marka la barabar dhigo maamulka Trump dhinacna aysan ka marnayn dhibaato uu kageystay dunida Islaamka gaar ahaan duqeymihii diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee drones ka geysteen dalalka Soomaaliya, Yemen, Pakistan iyo Afghanistan kuwaa oo lagu dilay shacab kumanaan ah sida lagu sheegay warbixino ay soo saareen hay’addaha u dooda xaquuqul insaanka. Doorkii Mareykanku kulahaa kicinta iyo taageerida kacdoonkii ka curtay wadamada Carabta iyo duqeymihii huwanaa magaca NATO ee lagu qaarajiyey Qaddafi ayaanan sidookale lagu eed-tirin maamulkii Obama iyo Biden.

Maxay dunida Muslimka uga dhigan tahay doorashada Biden?

Dad badan ayaa aaminsan in Biden ka shaqsiyad iyo siyaasad duwan yahay madaxwenaha laga guuleystay Trump oo ay aad u kala fogaayeen qeybo badan oo dunida Islaamka ah. Biden ayaa la rumeysan yahay inuu yahay shaqsi fahansan waaqaca aduunka jira hadii ay tahay mid caqiido, midab iyo dhaqan, asagoo waayo aragnimo ka helay mudadii uu katirsanaa maamulka Obama.

Xiligii ololaha doorashada Biden waxaa aad u taageeray dadka soo galootiga ah, kuwa kasoo jeeda Latin ee Latinos-ka la yiraahdo, dadka madoowga ah iyo Muslimiinta oo dhamaantood ka dhex arkay ololaha Biden inuu kasaari karo culeys-yada shaqo la,aaneed, faquuq, xayiraad safar iyo isir naceyb ee kudhashay ama sii xoogeystay mudadii uu Trump xilka hayey. Biden ayaa marar badan u balan qaaday Muslimiinta Mareykanka in marka uu ku guuleysto xilka madaxweyne-nimo uu gabi ahaanba meesha ka saari doono xayiraadii dhanka safarka ee saarnayd 7 dal oo Islaam ah taasoo la filayo inay dhaqan gasho marka ugu horeysa ee uu xilka la wareego. Muslimiinta kunool Mareykanka ayaa doorashada sannadkan uga qeyb qaatay cadadkii ugu badnaa ee dhanka cod-bixinta taasoo ay 80% dadkii xaqa u lahaa cod-bixinta codkooda dhiibteen, waxayna muujinaysaa xiisaha iyo xamaasada ay u laheyd inay mar codkooda ku taageeraan Biden marna meesha kasaaraan Trump.

Dadka Muslimiinta ah ee Mareykanka kunool oo 1% ka ah mujtamaca dalkaas ayaa Biden hordhigay codsi ka balaaran mida xayiraada safarka oo ay kamid ahaayeen waxka qabashada faquuqa iyo naceybka diinta, laalida barnaamijka kahortaga rabshadaha iyo argagixisada oo ay Muslimiintu aaminsan yihiin inuu sigaara u bartilmaameed-sanayo dadka Muslimka ah, kaqeyb-galinta maamulka cusub, joojinta dhaqaalaha Mareykanku siiyo Israel inta ay uga hogaan-sameyso sharuucda caalamiga ah iyo in safaaradii Mareykanka ee loo raray Qudus dib loogu soo celiyo magaalada Tel Aviv.  Tirada dadka Muslimiinta Mareykanka ah oo aad u yar marka la barbardhigo mujtamaca kale ayaa inta badan saameeyn kuleh inaysan musharaxiintu siinin ahmiyad weyn aqbalaada iyo fulinta dalabaadkooda, taasoo keeni doonta inuu Biden dalabaadkan qeyb kafuliyo qeybo badana iska indhatiro.

Marka laga tago gudaha Mareykanka, Biden ayaa la rumeysan yahay inuu dunida Islaamka kula macaamili doono siyaasad ka dabacsan midii maamulka Trump. Waxaa laga raja qabaa inuu Biden soo celin doono heshiiskii Nuclearka Iran oo uu wax-weyn kala socday heerarkii uu soomaray iyo saxiixiisa, islamarkaana Iran ka qaadi doono cuno-qabateynta. Biden inuu qaato go,aanka ah in Iran laga qaado cuno-qabateynta waxuu kala kulmi doonaa qalqaalo iyo catoow badan oo uga imaada saaxiibada Mareykanka ee gobolka sida Israel, Sacuudiga iyo Imaaraatka taasoo aan qudheeda sahlaneyn.

Marka loo imaado arrinta murugsan ee Falastiin, waxaa suuragal ah inuu Biden iskudayo inuu soo nooleeyo wadahadaladii Falastiin iyo Israel balse rajada laga qabikaro inay miro dhalaan way adag-tahay sababtoo ah Israel horey ayey u gaartay ujeedkeeda lagamana rajo qabo cadaadis mug leh oo ka imaan doona dhanka maamulka Biden oo ku qasbi kara inay Israel gasho wadahadal dhab ah asagoo maanka kuhaya waxii qabsaday saaxiibkiis Obama markii uu ku fogaaday arrinta Falastiin iyo Israel.

Sidookale Biden kuma dhiiran karo inuu faraha lagalo arrinta meeqaamka magaalada Qudus oo maamulka Trump gacanta u galiyey Israel, waxayna u badan tahay in asaga oo tixraac kadhiganaya ga,aanka maamulkii hore uu ka gaabsado kana dhigo eed ay masuuliyadeeda lahaayeen maamulka ka horeeyey. Arrinta meeqaamka Qudus badalkeeda Biden waxuu ku dhiiran karaa inuu Israel ku cadaadiyo joojinta dhismaha dhulka daanta galbeed ee Falastiin iyo inuu soo celiyo dhaqaalihii Mareykanku siin jiray maamulka Falastiin iyo hay’addaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya arrimaha dadka Falastiin ee uu jaray maamulkii Trump taasoo uu Biden dunida Islaamka iyo maamulka Falastiin ku indha-sarcaadin doono.

Marka loo imaado qilaafka kadhex-aloosan wadamada Khaliijka, Biden waxuu haystaa fursad uu kudhex-dhexaadin karo labada dhinac maadama ay dhinacyadu u haystaan shaqsi dhex-dhexaad ka ah qilaafkooda oo aanan ka laheyn dano shaqsi misna hogaaminaya dowlada ugu awooda weyn caalamka, balse waxaa suuragal ah in danaha ay shirkadaha hubka sameeya ee Mareykanku kaleeyihiin sii socoshada qilaafkan uu ku qanco in sida uu hada xaalku yahay loo daayo taasoo dan u ah dhaqaalaha Mareykanka gaar ahaan shirkadaha hubka iibiya. Marka loo weecdo dagaalka dalka Yemen, waxaa dhicikarta inuu Biden xulufada Sacuudiga iyo Imaaratka ku cadaadiyo inay soo afjaraan dagaalka Yemen asagoo daliil-sanaya gabood faladii bini,aadannimo ee kadhacay dalkaas, taasna ay horseedo in dowlad wadaag ah oo aan sal-balaaran ku fadhinin lagu maquuniyo dhinacyada iskuhaya siyaasada Yemen.

Marka loo imaado arrinta dalkeena, maamulkii Trump waxuu shaaciyey bishii October ee sannadkan in maamulkiisu diyaariyey qorshe lagu dhimayo tirada ciidamada Mareykanka ee kusugan Soomaaliya taasoo 650 kamid ah 800 askari ee jooga Soomaaliya dib loogu celin doono Mareykanka. Go,aankaas ayey dad badan aaminsan yihiin marka sifiican loo-darso xiliga lagusoo beegay oo aheyd xili doorasho inuu ahaa mid lagu xod-xodanayey codka qoysaska askartaan si ay codkooda u siiyaan Trump maadaama uu dib usoo celinayo wiilashooda iyo gabdhahooda laakiin uusan aheyn go,aan qaran. Inkasta oo hadalka iyo go,aanka madaxweynaha xilka haya miisaan leeyahay, hadana askarta Mareykanka ee jooga dalkeena waxay qeyb muhiim ah kayihiin howl-galka guud ee ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, kaasoo ilaaliya maslaxada Mareykanku kaleeyahay guud ahaan qaaradda Africa gaar ahaan wadamada istaraatijiga ah oo ay Soomaaliya ugu horeyso. Hadaba, Biden oo taageero weyn u haya barnaamijka diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanku ka fuliyaan wadamada ay kasocdaan dhaq-dhaqaaqyada kooxaha hubeysan waxay u badan tahay inuu sii xoojin doono howl-galka ciidamada Mareykanka kajooga Soomaaliya wallow aysan meesha ka marnayn sida ay iskula jaan-qaadaan dowlada kusoo baxda doorashada  Soomaaliya sannadka danbe iyo maamulka Biden.

Gunaanad

Biden sida uu kusheegay qudbadiisii aadka loowada sugaayey, ahmiyada koowaad ee maamulkiisa xiligan ayaa ah ladagaalanka xanuunka COVID-19 oo saameyn xoogan kuyeeshay shaqada, dhaqaalaha iyo nolol maalmeedka shacabka Mareykanka. Waxaa kale oo looga fadhiyaa inuu xal u helo dhibaatooyinka faquuq, shaqo la,aanta iyo beegsi ee lagu hayo dadka madoowga ah iyo soo galootiga, kuwaasoo uu balan qaad badan u sameeyey xiligii ololihiisa. Iskusoo dumida wakiilada lasoo doortay iyo taageerayaasha xisbiyada jamhuuriga iyo Dimuquraadiga oo aan qudheeda aheyn howl-yar ayaa xusid mudan.

Marka laga tago xal u helida arrimaha Mareykanka dhexdiisa kajira, waxaa looga fadhiyaa inuu soo nooleeyo xiriirkii iyo wadashaqeyntii hakadka gashay ee kala dhexeeyay saaxiibada soojireenka Mareykanka ee reer Yurub. Waxaan meesha ka maqnayn yag-leelida xiriir isku dheelitiran oo dhexmara Mareykanka iyo China. Macaamilka dowladaha China iyo Mareykanka ayaa aad u xumaaday waqtigii maamulka Trump taasoo horseeday inay labadhinac galaan dagaal dhanka dhaqaalaha ah oo u badan canshuurta dulsaarta ah. China madaxweyne kasta oo ku guuleysta doorashada Mareykanka waxay hordhigtaa hal su;aal oo soojireen ah taasoo ah: China hal ah ama China laba ah oo lagala jeedo aragtida madaxweynaha ladoortay ee gobolka Taiwan, jawaabtaas ayaana go,aamisa xiriirka mustaqbal ee labada wadan. Dowlada China wali uma aysan hambalyeyn Biden ayagoo marka hore miisaan saaraya aragtidiisa kuwajahan China.

Biden waxaa horyaala shaqo kale oo culus oo ah inuu Mareykanka dib ugu celiyo heshiisyo, ururo iyo hay’addo farabadan oo uu maamulkii Trump go,aamiyey inay iskaga kabaxaan, kuwaa oo ay kamid yihiin hay’adaha UNESCO iyo UNHRC oo kamid ah hay’adaha Qaramada Midoobay, heshiiskii cimilada ee Paris Climate Agreement oo maamulkii Obama taageero weyn u ahaa, ururka muhaajiriinta ee Global Compact for Migration iyo ururka kale ee Trans-pacific Partnership oo ahaa urur macaamil ganacsi oo kulmin jiray Mareykanka, wadamada pacific-ga iyo kuwa Asia.

Hadaba, marka la isku wadageeyo dhamaan howlaha culus ee looga fadhiyo Biden oo ay ugu horeyaan kuwa kajira gudaha Mareykan, boor kajafida xiriirka wadamada Yurub iyo China, ku laabashada heshiisyadii, ururadii iyo hay’adihii caalamiga ahaa ee Mareykanku kabaxay xiligii Trump, ma muuqato raja badan oo ah inuu Biden wax weyn kabadali doono xaaladaha kajira dunida Islaamka.

Xamdi Wardhere Maxamed – Waxaad kala xiriiri kartaa : [email protected] ama Facebook: Xamdi Wardheere

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan warkii.com waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here