Saadaq John Oo Halis Amni Ka Jirta Xarunta Gobolka La Wadaagay Madaxda Dalka

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) ayaa soo jeediyey Talo ah in dhamaan dib loogu laabto Shaqaalaha Gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay inay halis amni jirto ay ka dhex arkeen Xarunta Gobolka Banaadir mudana ay baaris ku hayeen.

Madaxda Dalka Sida Madaxweyne Farmaajo,Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo Duqa Cusub Muqdisho Cumar Finish ayuuna xogtaan la wadaagay.

Waxa uu tibaaxay Saadaq John in Shaqada aysan bilaaban Karin inta aan la hubin Shabaabka Shaqaalaha ah Ee Gobolka Banaadir Ka howlgala.

Si loo hubiyo Hanaanka ay Shaqaalahaan ku yimaadeen oo ay Damiin Cad la yimaadaan waa in dib loogu laabto xeerka shaqaaleynta ayuu soo jeediyey Saadaq John.

Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir Cumar Finish oo xalay Xafladiisii Xil wareejinta ubaaqatay Arimo Amni waxa uu sheegay inay la shaqeyn doonaan Booliska sidii isbadel loogu sameyn lahaa xarunta Gobolka iyo Howlwadeenadeeda.

Tan iyo markii 24-kii bishii hore Qarax uu ka dhex dhacay Xarunta Dawlada Hoose Ee Xamar laguna dilay Mas’uuliyiin dhowr ah kuna jiray Duqii Muqdisho Eng,Yariisoow oo Dhaawac udhintay isbuuc kadib waxay abuurtay Shaki weyn oo ah in Shabaab Xidido ballaaran ku leeyihiin Xaruntaasi.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here