RW Kheyre oo ku wajahan Dhuusamareeb & Abaabul ka socda Madaxtooyada

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa waxaa maanta lagu wadaa in uu u amba-baxo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa ku hawlan qaban-qaabadii ugu dambeysay, ee ay tahay in Ra’iisal Wasaaruhu uu ugu amba-baxo Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa saaka ka socda abaabul ballaaran, oo lagu doonayo in lagu soo dhaweeyo wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, ee maanta ku wajahan Xarunta Maamulka Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale diyaariyay goobtii la dejin lahaa wafdiga Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, oo maalmaha ina soo aadan ku nagaan doono magaaladaasi.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII