Ronaldo oo fariin u diray taageerayaasha Man Utd ka hor kulanka Newcastle

Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu u ciyaaro Manchester United Sabtida kulanka ay la ciyaarayaan Newcastle United .

Kulanka sabtida ee Premier League ee ay la ciyaarayaan Newcastle United ayaa loo qoondeeyay kulanka 36 jirkaan uu maaliyada cas xirandoono markii ugu horeysay muddo ka badan toban sano.

Ka dib markii uu Instagram -kiisa ku daabacay sawirro isaga oo ku jira tababarka United Khamiistii, Ronaldo wuxuu ku qoray ciwaanka ah: “Loolan cusub, laakiin had iyo jeer waa isla goolashii!

Ronaldo ayaa la filayaa in uu Man united ka caawiyo Horyaalka Premier league oo sanadahan ku guuleysanin kooxda.

Xiisaha Horyaalka ee Todobaadkan ayaa ah soo laabashada CR7 iyadoo durba la dareemay in saameyn ka dhalatay arintaasi.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com