Ronald Koeman oo sharaxay Sababta uu Emerson Royal ugu dhaqaaqay Kooxda Tottenham Hotspur

Tababaraha Barcelona Ronald Koeman ayaa sharaxay sababta kooxda reer Catalan ay u ogolaatay Emerson Royal inuu ku biiro Tottenham Hotspur inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Koeman ayaa sheegay in fursada kagu helay macaash, marka lagu daro ikhtiyaarradii uu horay ugu haystay garabka midig, ay la macno tahay in heshiiska uu macno u yeeshay kooxda dhexdeeda arrimo dhaqaale.

“Waxaan doonayay inaan caawiyo kooxda waxaana tusaale u ahaa iibinta Emerson. Waxaan u sheegay kooxda in haddii ay faa’ido ka heli karaan markaa inay iibiyaan Emerson maxaa yeelay waxaan haysannaa [Sergino] Dest, [Oscar] Mingueza iyo xitaa Sergi Roberto , ”Koeman ayaa u sheegay Sport .

“Shaki la’aan waxaa jira waxyaabo ka wanaagsan. Haddii aanan rabin inuu tago, waxaan dhihi lahaa: ‘Maya, ma dhaqaaqi doono’.”

Emerson ayaa saddex kulan u saftay Barcelona bilowgii xilli ciyaareedkaan, isagoo keydka ka soo muuqday Real Sociedad iyo Athletic Bilbao ka hor inta uusan ku soo bilaaban kulankii Getafe.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here