Romelu Lukaku oo Magacaabay Xidiga Chelsea ka tirsan ee ka yaabiyay

Weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku ayaa shaaciyey inuu layaabay mid ka mid ah ciyaaryahannada Chelsea xilliga ay tababarka qaadanayaan, kaas oo aan lahayn joogsi, daal iyo nasasho midna.

Romelu Lukaku ayay Chelsea kasoo iibsatay Inter Milan xagaagii iyadoo loo jabiyey rikoodhkii iibka Blues oo 97.5 milyan oo Gini ay kasoo bixiyeen, waxaana uu markiiba muujiyey sida ay kooxdiisu ugu saxsanayd inay bixiso lacagtaas.

28 jirkan ayaa goolkiisii koowaad u dhaliyey kulankiisii koowaad ee uu u saftay, waana ciyaartii Arsenal ay 2-0 ku garaaceen, waxaana uu shabaqu diiday kulankii xigay ee Liverpool ay barbarraha ku kala baxeen.

Chelsea oo ay ugu dambaysay inay horyaalka ku guuleysato sannadkii 2017 ayaa saxeexa Lukaku uu ka dhigay tartame dhab iyo inay safka hore ka gasho naadiyada loo saadaalinayo inay xilli ciyaareedkan hanan doonaan.

Iyagoo hore u haystay Jorginho, N’Golo Kante iyo Mateo Kovacic oo khadka dhexe ah, laguna darayo Mason Mount iyo ciyaartooyo kale ayaa waxa kusoo kordhay Saul Niguez oo ay kala soo wareegeen Atletico Madrid iyo Lukaku.

Si kastaba, Lukaku oo bixiyey waraysi ayaa waxa uu ciyaartoyda kooxdiisa Chelsea kala  soo baxay hal ciyaartoy oo ka yaabiya maalin kasta marka ay tababarka samaynayaan, waxaanu yidhi: “Waan arkaa qof la mid ah Jorginho maalin walba, laakiin wiilkani waa ciyaaryahan kubadda cagta ah oo aad u wanaagsan.

“Laba sannadood ayaan ka garab ciyaaray Lorenzo Insigne oo heerka ugu sarreeya ku ciyaara. Dhamaantood waa kuwo sare, farsamo ahaanna way sarreeyaa, laakiin marka kubadda cagta laga eego, way ku dhaawacaysaa [Tayada Jorginho]

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here