Rio Ferdinand oo Xaqiijiyay Qofka Furaha u ahaa Imaatinka Cristiano Ronaldo ee Manchester United

Cristiano Ronaldo ayaa ku soo laabanaya Manchester United – waxaana uu uga mahadceliyay gacantii uu ka helay Sir Alex Ferguson oo ahaa Furaha ka danbeeyay Heshiiska sida uu sheegay Rio Ferdinand.

United ayaa ku dhawaaqday wax yar ka hor 5 -tii galabnimo ee Jimcihii inay Juventus kala heshiisay saxiixa xiddiga reer Portugal kaas oo u xayiran hadan heshiiska shaqsiga, caafimaadka iyo fiisaha.

Waxaa soo ifbaxay dhacdooyin aad u layaab leh ka dib markii warar saacado ka hor soo baxay ay soo jeediyeen in 36 jirkaan shanta jeer ku guuleystay ciyaaryahanka adduunka uu diyaar u yahay inuu u saxiixo kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City.

Saxiixii United ee xagaaga Jadon Sancho iyo saaxiibadiisa kale ee reer England Marcus Rashford iyo Jesse Lingard ayaa ka mid ahaa ciyaartoy badan oo Man United ah oo barta Twitterka ku soo qoray Ronaldo.

Roy Keane, oo ahaa kabtanka United markii ay kooxdu markii ugu horreysay la soo wareegtay Ronaldo, ayaa bartiisa Instagram -ka ku soo qoray: “Ku soo dhowow Cristiano”, halka Edwin van der Sar uu soo dhigay akoonkiisa: “Sidee u dareemeysaa taageerayaasha Manchester United? Had iyo jeer riyoonayay laakiin marnaba ma filayn inay dhici doonto! Ku soo dhowoow Manchester @cristiano ”.

Gary Neville, oo ah saaxiib kale oo hore, ayaa u sheegay Sky Sports: “Waa war cajiib ah. Waxa ay sameeyeen ayaa ah inay kooxda ku xoojiyaan gooldhaliyaha la xaqiijiyay, halyeeyga kooxda. Wuxuu dhalin doonaa goolal wuxuuna siin doonaa daqiiqado cajiib ah. ”

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here