RIKOODH: Liverpool Oo Barbarraysay Rikoodhkii Dhibcaha Manchester United Ee Xili-ciyaareedkii 2007/08

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Liverpool ayaa soo qabatay rikoodhkii dhibcaha ee Manchester United ay dhigtay xili ciyaareedkii 2007/08 oo ay ku qaadeen horyaalka Premier League, kaddib markii ay guul 2-0 ah ka gaadheen Aston Villa oo ay ku qaabileen Anfield.

Kooxda tababare Jurgen Klopp ayaa urursatay 89 dhibcood oo ay ka heshay 33 ciyaarood oo horyaalka ah oo ay xili ciyaareedkan dheeshay, waxaanay guusha ugu dambaysay ay kusoo qabatay Manchester United oo xili ciyaareedkii 2007/08 horyaalka Premier League ku qaadday 89 dhibcood.

Reds oo hantiday horyaalkeedii 19aad, waxay rikoodhka dhibcaha ee Manchester United inay qabato ka yara xakameeyey Everton oo barbarro ku qabatay kulankii Goodison Park ee markii horyaalka dib loo bilaabay, waxayse sare ugu soo ruqaansadeen Crystal Palace oo ay ku karbaasheen 4-0, ka hor intii aanay Manchester City si lama filaan ah ugu ugu xasuuqin Etihad Stadium, halkaas oo ay goolal afar ah kaga dhaliyeen Kevin de Bruyne, Raheem Sterling, Phil Foden iyo Alex Oxlade-Chamberlain oo gool iska dhaliyey.

Rikoodhka 89ka dhibcood ee Manchester United ay sannadkii 2008 ku qaadday horyaalka Premier League iyadoo haysata Rio Ferdinand, Nemanja Vidic, Cristiano Ronaldo, Wayne Rooney, Ryan Giggs iyo ciyaartooyo kale oo waaweyn, waxa uu hadda Liverpool u yahay wax tegay oo ay ka gudubtay.

Hore ayay usoo jabisay rikoodhado lagu qaaday horyaalka, sida Arsenal (2001/02), Chelsea (2009/10) & (2014/15) iyo Manchester City (2013/14), waxaana halka ugu dambaysa ee ay hiigsanayaan ay tahay inay soo qabtaan rikoodhka ugu sarreeya ee lagu qaaday horyaalka ah oo ah 100 dhibcood oo ay Man City xili ciyaareedkii hore urursatay.

Shanta ciyaarood ee u hadhay haddii ay badiso, waxay Liverpool heli doontaa 104 dhibcood, waana rikoodhkii ugu badnaa ee abid lagu qaado horyaalka.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII