Redknapp Oo Saadaaliyay Kooxaha Ku Dhameysan Kara Afarta Sare – Miyuu Ka Saaray Man United & Chelsea?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Jamie Redknapp ayaa aaminsan in kooxaha Man United iyo Chelsea ay kasoo wada qeybgali doonaan koobka horyaalada yurub fasalka soo aadan, kuna dhameysan doonaan afarta sare.

Labada kooxood ayaa guulo waaweyn gaaray sabtidii iyagoo tartan adag ugu jira iney kasoo qeyb galaan koobka yurub, Red Devils waxey 5-2 ku dishay Bournemouth halka Blues ay 3-0 ku xasuuqday Watford.

Si kastaba, guushii ay Leicester ka gaartay Palace iyo in Arsenal ay garaacday Wolves waxey keentay in tartanka afarta sare uu aad u kululaaday, inkastoo ay lama taabtaan tahay boosaska Liverpool iyo Manchester City.

Foxes ayaa hadda fadhisa booska 3-aad ee horyaalka iyadoo 58-dhibcood leh halka ay Blues kaalinta 4-aad ku fadhiso 57-dhibcood, kadib waxaa xiga Man United oo 55-dhibcood leh.

Iyadoo sidaas la isugu dhaw yahay hadana Jamie Redknapp wuxuu qabaa in labada kooxood ay booska ka bixin doonaan Liecester.

“Kulamada Chelsea waxey u muuqdaan kuwa la guuleysan karo, kaliya laba kulan oo qiyaano ah ayaa ku jira waana kulanka Liverpool iyo kan Wolves” ayuu yiri Jamie.

“Man United waxey heshay kulamo lagu riyoodo, kaliya Leicester ayey marti u noqonayaan, halka kulamada Foxes ay yahiin kuwa dhib badan”

Jamie Redknapp wuxuu qabaa in Man United ay tahay kooxda ugu kulamo jilcan saddexda kooxood, xilli ay qaab ciyaareed qurux badan lasoo baxday kulamadii ugu dambeeyay.

“Waxey ila tahay Man United, Chelsea kadibna Leicester”

Jamie oo mar usoo ciyaaray Liverpool ayaa qaba in Red Devils ay kaalinta 3-aad gali karto halka Blues ay kaalinta 4-aad ku dhameysan doonto.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII