Real Madrid Oo Taako Kala Kulantay Villarreal & Gareth Bale Oo Laba Gool Dhaliyay Kadib Kaadhka Cas Loo Taagay

Kooxda Real Madrid ayaa taako kala kulantay Kooxda Villarreal kulan ka tirsanaa todobaadkii 3-aad ee horyaalka La Liga.

Kulanka ayaa ku bilowday mid ay Real Madrid samaynaysay khaladaad dhanka daafaca ah xilli ay ku dhibaatoonaysay in ay qaado weeraro hagaagsan oo goolal laga dhalin karo.

Kooxda Villarreal ayaa gool wakhti hore ah ka dhalisay Real Madrid laakiin waxa looga diiday Offside iyada oo Real Madrid ka badbaaday goolkaas.

Laakiin daqiiqadii 12-aad ayayna Real Madrid Nasiib u yeelan in ay ka badbaado gool iyada oo uu xiddiga Gerard Moreno ka dhaliyay goolkii 1-aad ee ciyaarta.

Goolka ayaa kubada laga dafay Sergio Ramos iyada oo uu Goolhaye Thibaut Courtois sameeyay badbaadin fiican laakiin kubadii ka soo booday gool loo badalay.

Ka hor intii ayna dhamaan qaybtii hore ee ciyaarta ayay Real Madrid keentay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay Gareth Bale kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Labada Kooxood bar-baro ku aadeen qaybta nasashada ee ciyaarta.

Qaybtii dambe ayay Real Madrid si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo raadinayay in ay ciyaarta natiijadeeda dhankooda u rogaan waliba sameeyay fursado cajiib ah oo ay goolal ka dhalin kareen.

Laakiin Daqiiqadii 74-aad ayay Villarreal mar kale ka faa,iidaysatay khaladaad dhanka daafaca Real Madrid ah iyaga oo uu xiddiga Moi Gomez dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta isaga oo ka dhigay 2/1 ay Villarreal ku hogaaminayso ciyaarta.

Kooxda Real Madrid ayaa ugu dambayn fursadihii gool u badalay iyaga oo uu mar kale gool u dhaliyay xiddiga Gareth Bale kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 2/2 ah.

Gareth Bale ayaa iska qasay faraxadii labada gool kadib markii uu daqiiqadii ugu dambaysay qaatay kaadhka 2-aad ee digniinta ah sidaasna loogu taagay kaadhka cas.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid hal dhibic badbaadisatay xilli uu Gareth Bale dhabarkiisa ku qaatay kooxda.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here