Real Madrid Oo Noqotay Warshad Soo Saarta Ciyaartoyda Da’da Yar Iyo Lacagta Wareerka Ah Ee Ay Ka Samaysay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Real Madrid waxay lacag badan ka samaysay sannadihii ugu dambeeyey ciyaartoyda kasoo baxay kulliyaddeeda da’yarta.

Afartii sannadood ee ugu dambeeyey, ciyaartooyo badan oo kasoo baxay La Fabrica ayey Real Madrid kasoo xaraysay lacago badan, waxaana ugu dambeeyey da’yarka Achraf Hakimi oo toddobaadkii hore ka degay Inter Milan, kaas oo ay kasii horreeyeen Alvaro Morata, Marcos Llorente, Jese Rodriguez iyo Raul de Tomas.

Morata ayaa noqday ciyaartoyga ugu qaalisan ee kasoo baxay kulliyadda Real Madrid, waxaana sannadkii 2017 ay Los Blancos ku iibisay 66 milyan oo Euro oo ay Chelsea kula wareegtay.

Weeraryahanka ayaa hore uga tegay Estadio Santiago Bernabeu sannadkii 2014 isaga oo ku biiray Juventus, laakiin Madrid ayaa go’aansatay inay dib usoo ceshato maadaama heshiiska ay kooxda Talyaanigu ku iibsatay uu ku jiray qodob dhigayay in Real ay dib u iibsan karto.

Iibka Inter Milan ee Achraf Hakimi ee toddobaadkii hore oo ah 40 milyan oo Euro oo kaash ah iyo 5 milyan oo kale oo ku xidhan bandhiggiisa, waxa uu laacibka reer Morocco ugu soo xareeyey Los Blancos lacag badan xilli ay jiraan duruufo dhaqaale oo dunida oo dhan saaran.

Hamiki oo labadii sannadood ee tegay amaah ugu maqnaa Borussia Dortmund, wuxuu door biday inaanu ku laaban Real Madrid, maadaama uu booskiisa haysto Dani Carvajal oo aanu Zidane uga qaadi doonin.

Xagaagii hore, Real Madrid waxay iibisay Marco Llorente oo noqday ciyaartoyga saddexaad ee ugu qaalisan ee kasoo baxay kulliyadda La Fabrica, waxaanay Los Rojiblancos ka siisay lacag dhan 30 milyan oo Euro.

2016 ayay Real Madrid jeebadda ku shubatay 25 milyan oo Euro oo ay ka qaadday kooxda reer France ee PSG oo ay ka iibisay Jese, laakiin laacibkan ayaa saldhigi kari waayey Parc des Prince, waxaanu usii dhaafay oo amaah lagu siiyey Las Palmas, Stoke City, Real Betis iyo hadda oo uu joogo Sporting CP.

De Tomas oo sannadkii 2019 ay Real Madrid 20 milyan oo Euro kaga iibisay Benfica, sidoo kalena 2 milyan oo dheeraad ah oo bandhiggiisa ku xidhan ay la socdeen, ayaa noqday ciyaartoyga shanaad ee ugu qaalisan da’yarta Los Blancos ay soo saartay.

Marka laga yimaaddo shanta ciyaartoy ee ugu qaalisan, waxa kale oo ay Real Madrid iibisay laacibiin kale oo kasoo baxay kulliyaddeeda oo ay qiimeyaal kala duwan ka siisay kooxo u badan Spain, waxaana ka mid ahaa:

Alvaro Negredo – Sevilla – 19 Milyan Euro – 2009

Denis Cheryshev – Valencia – 7 milyan Euro – 2016

Mariano Diaz – Lyon – 8 Milyan Euro – 2017 (dib ayay ula soo saxeexatay)

Diego Llorent – Real Sociedad – 7 Milyan Euro – 2017

Burgui – Alaves – 3 milyan Euro – 2017

Omar Mascarell – Shcalke – 10 milyan Euro – 2018

Lucas Torres – Eintracht Frankfurt – 3.5 milyan Euro – 2018

Philipp Leinhart – Freiburg – 2 milyan Euro – 2018

Marka la isku geeyo lacagta ay Real Madrid ka heshay ciyaartoyda da’da yar ee kasoo baxay kulliyaddeeda ee ay iibisay tan iyo sannadkii 2016, waxay caddadkeedu noqonaysaa 246 milyan oo Euro, waana dakhli sarreeya oo soo kabay qayb ka mid lacagihii ay suuqa gelisay ee ay ciyaartoyda kusoo gadatay.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII