Real Madrid oo kula tartameysa Chelsea saxiixa Matthijs de Ligt

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso inay lasoo saxiixato daafaca dhexe ee kooxda Juventus Matthijs de Ligt sanadka 2022.

Los Blancos ayaa u ogolaatay Sergio Ramos inuu beeca xorta ah kaga tago kooxda, halka Raphael Varane uu u dhaqaaqay Manchester United, iyadoo xiddiga reer France uu raadinayo loolan cusub.

David Alaba ayaa beeca xorta ah ugu dhaqaaqay Bernabeu, laakiin kooxda Carlo Ancelotti ayaa ku yar fursadaha daafacooda dhexe.

Sida laga soo xigtay Calciomercato , Los Blancos ayaa dooneysa inay ku xoojiso daafaca dambeedka waxayna u aqoonsatay De Ligt inuu yahay saxiixa ugu habboon inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan.

22 jirkaan ayaa 77 kulan u saftay Juventus tan iyo markii uu ka yimid Ajax walina waxaa u harsan seddex sano qandaraaskiisa, taasoo Old Lady gelisay boos adag marka ay timaado wada xaajood kasta oo suurtagal ah.

Chelsea ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay miisaameyso u dhaqaaqista xiddiga reer Netherlands, iyadoo Blues ay wajaheyso inay ka soo baxdo saxiixa daafaca dhexe ee Jules Kounde oo ka yimid Sevilla.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com