Real Madrid oo ku dhawaaqday Liiska Xidigaha Kooxda ee Champions League-ga

Toni Kroos ayaa dib ugu soo laabtay Real Madrid waxaanu kasoo muuqanayaa kulankiisii ugu horreeyey xilli ciyaareedkan inkasta oo uu kaliya ku iman karo beddel amaba uu kaydka ku dhamaysan doono.

Xiddiga reer Germany ayay ugu dambaysay inuu Real Madrid u ciyaaro May 9, waana waqti laga joogo 141 maalmood xilligaas oo uu ku dhacay Fayraska Korona oo sabab u noqday in aanu ciyaarin saddexdii kulan ee ugu dambeeyey xilli ciyaareedkii hore ee Granada, Athletic  Bilbao iyo Villarrea.

Toni Kroos ayaa kusoo laabtay tababarka Real Madrid July 23 markii uu qarankiisu ka hadhay Euro 2020, laakiin laba  toddobaad oo uu tababarka la qaatay kooxda kaddib, waxa la waayey muddo 55 maalmood ah oo aan fagaareyaasha lagu arag.

Waraysi uu bixiyey ayuu ku sheegay in muddo lix illaa toddoba bilood ah uu ciyaarayay isaga oo xanuun dareemaya oo dhaawacan, laakiin hadda uu kasoo kabtay oo uu tababarka kooxdiisa la qaatay isagoon waxba dareemayn.

Carlo Ancelotti ayay kulankiisii koowaad garoonka iskugu iman doonaan, waxayse kaliya noqon kartaa in ciyaartan looga sii dhigo niyad-dhis.

Liiska ciyaartoyda Real Madrid waxa ka  maqan oo dhaawacyo kaga maqan xiddigaha ay ka midka yihiin Ferland Mendy, Marcelo, Dani Carvajal, Dani Ceballos iyo Gareth Bale.

Liiska ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka Sheriff

Goolka: Courtois, Lunin and Luis Lopez.

Difaaca: Militao, Alaba, Vallejo, Nacho and Miguel.

Khadka dhexe: Kroos, Modric, Casemiro, Valverde, Lucas, Isco, Camavinga and Blanco.

Weerarka: Hazard, Benzema, Asensio, Jovic, Vinicius, Rodrygo and Mariano.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com