Real Madrid Oo Ka Hor Dhacday U Dabaaldega Hanashada Horyaalka La Liga & Shaqsiga Caawa Koobka Ku Wareejin Kara Oo La Shaaciyay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Real Madrid ayaa ku degdegtay inay u dabaaldegto hanashada horyaalka La Liga iyadoo aan weli xaqiijisanin, waxayna ku duceysanayaan inaysan wajigabax ku noqonin arintaan.

Los Blancos ayaa u baahan labo dhibcood si ay u hantaan horyaalka La Liga iyadoo ay u harsan tahay labo kulan, waxay caawa la ciyaarayaan kooxda Villarreal.

Haddii ay caawa badiyaan waxay xaqiijisan doonaan hanashada horyaalka La Liga oo ay markii 34aad ku guuleysan doonaan.

Advertisements

Laakiin Los Blancos ayaa xalay saqdii dhexe waxay shabakadeeda rasmiga ah soo gelisay maaliyad ay ugu dabaaldegeyso hanashada koobkeedii 34aad ee horyaalka La Liga inkastoo aysan weli ku guuleysanin koobka.

Waxay shabakadooda soo geliyeen maaliyadooda cadaanka ah oo dusha looga qoray “Campeones” oo la micno ah Champions iyo lambarka 34 oo ah inta jeer ee ay ku guuleysan doonaan horyaalka.

Taageerayaasha ayaa sawir ka dulqaaday shabakada ka hor inta aysan Real Madrid durbadiiba tirtirin maaliyada ay iibineyso oo lagu iibsan doono qiimo gaaraya 109.95 euro.

Sida iska cad waxay maaliyadaan iibin doonaan marka ay xaqiijistaan hanashada horyaalka haddii aysan guuldareysanin labada kulan ee u harsan.

Waxay caawa garoonka Alfredo di Stefano oo ay si ku meel gaar ah ugu ciyaarayaan kula dheelayaan kooxda Villarreal iyagoo u baahan guul si loogu caleemo saaro hanashada horyaalka.

Agaasime waaxeedka xiriirka kubada Spain Antonio Gomez Reino ayaa caawa garoonka imaan doona isagoo wada koobka La Liga, madaxweynaha xiriirka Luis Rubiales wuxuu ku jiraa olole doorasho sidaasi darteed kama qeyb qaadan doono xaflad koob wareejinta.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII