Real Madrid Oo Guul Dirqi Ah Ka Heshay Bilbao, Ramos Oo Taariikh Dhigay & Los Blancos Oo Dheereysatay Hogaanka La Liga.

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Real Madrid ayaa dheereysatay hogaanka horyaalka La Liga kadib markii ay gool qura kaga badiyeen Athletic Bilbao kulan ka tirsan horyaalka, waxeyna kaga mahad celinayaan kabtankooda Sergio Ramos.

Waa kulankii labaad oo xiriir ah uu Sergio Ramos furto kooxdiisa Los Blancos waana wadar dhan 10-gool goolashiisa fasalkaan kulamada horyaalka taasoo ka dhigeysa inuu yahay xiddiga labaad ee ugu goolasha badan kooxda xilli ciyaareedkaan.

XAQIIIQO:

Sergio Ramos ayaa noqday daafacii dhexe ee ugu horreeyay kaas oo 10-gool ka dhaliya La Liga hal fasal tan iyo 1993-94 markaas oo sidaas uu sameeyay Fernando Hierro

Real Madrid waxey haatan 7-dhibcood ka horreysaa Barcelona oo caawa la ciyaari doonta Villarreal iyadoo isbuucaan uu yahay midkii 34-aad ee La Liga.

Ciyaartoyda Madrid waxey soo gaareen garoonka San Mames iyagoo qalbiga ku haaya in guul ay gaaraan ay usii dhaweyn karto iney hantaan horyaalka La Liga tan iyo 2017 markaas oo Zidane uu u hogaamiyay.

Daqiiqadii 68-aad ayuu Dani García isagoo ku sugan xerada ganaaxa lugta kaga istaagay Marcelo, waxaana lagu abaalmariyay kooxdiisa rigoore markii la fiiriyay VAR.

Sergio Ramos ayaa gool u sarifay kaas oo dhaliyay goolkiisii labaad oo xiriir ah kulamada La Liga, waxaana la xasuustaa in kulankii ugu dambeeyay uu rigoore dhaliyay kulan ay 1-0 kaga badiyeen Getafe.

Ciyaarta waxey ku dhamaatay 0-1, Madrid ayaana u muuqaneysa koox kusii socota hanashada horyaalka La Liga, balse waxaa la sugi doonaa kulanka u dhaxeeya Barcelona iyo Villarreal oo caawa dhici doona.

Balaugrana waxey nooleyn kartaa rajadeeda u dagaalanka La Liga hadii ay caawa guul helaan inkastoo ay wali usii jirayaan hogaanka 4-dhibcood.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII