Real Madrid oo guul 2-1 ah ka gaartay Valencia, Benzema oo sii wada bandhigiisa Goolasha

Real Madrid ayaa Caawa mar kale guul ciriira ah gaartay iyadoo 2-1 uga badisay kooxda ay martida u aheyd ee Valencia.

Los Blancoz ayaa kulankeeda labaad ku badineysa Qaab Ciriira ah inkastoo xidigeeda Benzema uu mar kale yahay gool dhaliyaha ugu feecan ee kooxda.

Labada Kooxood ayaa qeybta hore iska dhalin wax gool ah Xili Valencia ay hogaanka qabatay qeybta labaad daqiiqadii 66ad ee ciyaarta waxana u dhaliyay Hugo Duro,

Real Madrid oo u muuqatay kuwa kulankan guul daro isku diyaariyay ayaa helay labo gool oo deg deg ah Daqiiqadihii 86aad iyo 90+2aad ee ciyaarta waxana shabaqa soo taabtay Vinicius Junior iyo Benzema guud ahaan kulankan ayaa ku soo dhamaaday 2-1.

Real Madrid ayaa hada hogaanka Horyaalka ku heysa 13 dhibcood iyadoo ilaa hada aanan laga badin waxana kaalinta labaad ku soo xiga Atletico Madrid oo leh 11 dhibcood.

Shaxda kulanka lagu soo bilaabay

Valencia XI: Wass, Gabriel, Foulquier, Guedes, O. Alderete, Soler, Maxi Gomez, Hugo Guillamón, Hugo Duro, Correia, Giorgi Mamardashvili

Subs: Cillessen, Hélder Costa, Jason, Diakhaby, T.Lato, Manu Vallejo, U. Račić, Maranhão, Y. Musah, Jesús Vázquez, K. Koindredi

Real Madrid XI: Modric, Benzema, Alaba, Hazard, Courtois, Casemiro, Nacho, Carvajal, Valverde, Militao, Vinicius

Subs: Isco, Vazquez, Jovic, Vallejo, Asensio, A. Lunin, Antonio Blanco, Miguel Gutiérrez, Rodrygo, E. Camavinga, Toni Fuidias

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com