Real Madrid oo diyaarisay Liiska shan ciyaaryahan oo u sharaxan daafaca dhexe

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay shan bartilmaameed oo daafac dhexe ah xagaaga 2022.

Kooxda Carlo Ancelotti ayaa David Alaba ku soo dhaweysay kooxda ka dib markii uu ka soo tagay Bayern Munich, laakiin lamaanahii adkaa ee Sergio Ramos iyo Raphael Varane ayaa burburay markii labada daafac ay u kala tageen Paris Saint-Germain iyo Manchester United.

Los Blancos ayaa sidoo kale heysata Eder Militao iyo Nacho Fernandez oo awood u leh inay ka dhex muuqdaan wadnaha difaaca, laakiin kooxda ayaa la filayaa inay suuqa u gasho xoojinta difaaca ka hor xilli ciyaareedka 2022-23.

Sida laga soo xigtay Fichajes.net , Real Madrid ayaa hadda diyaarisay shan ciyaaryahan oo ay ka mid yihiin Pau Torres , Milan Skriniar , Antonio Rudiger , Marquinhos iyo Matthias Ginter xagaaga dambe.

Rudiger weli wali heshiis uma kordhin Chelsea laakiin Skriniar waxaa la filayaa inay heshiis cusub u saxiixo Inter Milan kaasi ku eg xagaaga 2025.

Dhanka kale Torres ayaa sii joogay Villarreal xagaagii inkasta oo la sheegay inay xiisaynayeen Real iyo Man United, halka Ginter uu noqon doono wakiilka xorta ah sannadka soo socda wuxuuna dhawaan qirtay inaan weli loo soo bandhigin heshiis kordhin Borussia Monchengladbach .

Real Madrid ayaa 13 dhibcood ka heshay shantii kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedka cusub ee La Liga.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com