Real Madrid oo 5-2 ah ku dubatay kooxda Celta Vigo, Karim Benzema oo Saddexley dhaliyay, iyo Shaxda Ciyaarta

kooxda Real Madrid oo gurigeeda ku soo dhaweesay kooxda Ceta Vigo ayaa caawa ku dubatay Goolal gaaraya 5-2 kulan ka tirsan Horyaalka Spain oo Karim Benzema shabaqa soo taabtay saddex mar,

Sharaxaada Ciyaarta.

kooxda Celta Vigo ayaa kulanka caawa muujiyay ciyaar Qurux badan qeybta hore iyadoo labo mar hogaanka ciyaarta qabatay.

Daqiiqadii 4aad ee ciyaarta ayay hogaanka qabatay waxana goolkaasi ka bar-bareeyay Karim Benzema ciyaarta oo socota 24 daqiiqaqo ka hor inta aysan mar kale hogaanka la wareegin Celtavigo gool uu markan ka saaciday Franco Cervi daqiiqadii 31aad iyadoo lagu kala nastay 1-2,

Xidiga reer France Karim Benzema ayaa Real Madrid u suura galiyay in ay markale bar-bareeso ciyaarta goolkaasi oo ahaa kii labaad ee Benzema ka dhaliyo kulanka iyadoo intaasi wixii ka danbeeyay la waayay sheekada Celta Vigo,

Real Madrid ayaana heshay Saddex gool oo deg deg ah waxana ka kala caawiyay Vinicius Junior, Eduardo Camavinga iyo Gool uu dhaliyay Benzema oo ahaa kiisa Saddexaad ee ciyaarta guud ahaan kulanka ayaa ku soo dhamaaday 5-2,

Shaxda Ciyaarta

Real Madrid XI: Modric, Benzema, Hazard, Courtois, Casemiro, Nacho, Carvajal, Valverde, Militao, Vinicius, Miguel Gutiérrez

Subs: Marcelo, Isco, Vazquez, Mariano, Vallejo, Asensio, A. Lunin, Antonio Blanco, Rodrygo, E. Camavinga, Luis López

Celta XI: Aspas, Mallo, J. Murillo, M. Dituro, Araujo, Denis Suarez, R. Tapia, Santi Mina, F. Cervi, Mendez, Javier Galán

Subs: Nolito, Yokuslu, Thiago Galhardo, Kevin Vazquez, Blanco, A. Solari, Aidoo, Beltran, José Fontán, Miguel Baeza

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com