RASMI: Zinedine Zidane Oo Soo Saaray Liiska Ciyaartoydiisa Kulanka Villarreal Ee Real Madrid Koobka Ku Qaadi Karayso & Xiddig Niyad-jab Uu U Geystay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Zinedine Zidane ayaa kusoo dhaweeyey kooxdiisa saddex ciyaartoy oo laba ka mid ah uu dhaawac kaga maqnaa iyo mid karantiil loo geliyey caabuqa Korona, kuwaas oo qayb ka noqday liiska ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka Villarreal oo ay Los Blancos ugu guuleysan karayso horyaalka LaLiga ee xili ciyaareedkan.

Liiska ciyaartoyda Real Madrid ayay kusoo baxeen Nacho Fernandez iyo Mariano Diaz oo dhaawa cku maqnaa iyo Luka Jovic oo ciyaartii Isniintii ee Granada kaga hadhay shaki la xidhiidha fayraska Korona, kaddib markii la ogaaday inuu booqday qof ay saaxiibbo yihiin oo uu xanuunku ku dhacay.

Laakiin Zidane ayaa 24ka ciyaartoy ee uu soo xushay waxa uu ka reebay laacibka reer Colombia ee James Rodriguez oo kulamadii ugu dambeeyeyna sidan oo kale looga reebayay liiska kooxda.

Advertisements

Zidane ayaa liiska ciyaartoydiisa ee 24ka ah, waxa uu ka dhigi doonaa 23 ka hor inta aanay ciyaartu bilaabmin, sida uu sharcigu dhigayo, waxaana illaa  hadda aan la garanayn laacibka uu tababaruhu niyad-jabin doono ee uu liiskiisa ka tuuri doono.

Rodriguez ayaa ah laacibka niyadjabku kusoo dhacayay kulamadii ugu dambeeyey, waxaana aan lagu soo darin saddexdii ciyaarood ee Athletic Bilbao, Alaves iyo Granada oo qaarkood uu 22 ciyaartoy gudbiyey Zidane, iyadoo uu booska James bannaan yahayna aan lagu xusin magaciisa.

Ciyaartoyga kaliya ee Real Madrid dhaawaca kaga maqan ee aan liiskan ku jirin ayaa ah difaaca reer Brazil ee Marcelo oo kulamada ka hadhay xili ciyaareedka ku seegaya dhaawac muruqa ah.

Liiska ciyaartoyda Real Madrid oo dhamaystiran:

Thibaut Courtois, Alphonse Areola, Diego Altube, Dani Carvajal, Eder Militao, Sergio Ramos, Raphael Varane, Nacho, Ferland Mendy, Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde, Isco, Eden Hazard, Karim Benzema, Gareth Bale, Lucas Vazquez, Luka Jovic, Marco Asensio, Brahim, Mariano, Vinicius iyo Rodrygo.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII