RASMI: Tartankii Gooldhalinta Premier League Oo Lagu Kala Baxay, Muxuu Ku Guuleystay Kevin de Bruyne? Yaase Noqday Goolhayaha Sannadka?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Jamie Vardy ayaa abaalmarinta kabta dahabka Premier League ka qaaday Pierre-Emerick Aubameyang iyo Danny Ings inkastoo Leicester City uu qalbi jab ku dhacay maanta.

Weeraryahanka oo 33 sanno jir ah ayaa ku guuldareystay inuu shabaqa ka soo taabto Manchester United kulankii King Power Stadium isagoo xilli ciyaareedka ku dhameystay 23 gool.

Kabtanka Arsenal Aubameyang ayaa labo gool ka dhaliyay Watford laakiin wuxuu xilli ciyaareedka ku dhameystay 22 gool isagoo gool kaliya ka danbeeya Vardy.

Advertisements

Danny Ings ayaa isna gool rigoore ah u saxiixay Southampton balse wuxuu xilli ciyaareedka ku dhameystay 21 gool isagoo ah gooldhaliyaha seddexaad ee ugu fiican xilli ciyaareedka.

Vardy ayaa kaliya hal gool ka danbeeyay goolashii uu dhaliyay xilli ciyaareedkii 2015-16 oo uu Leicester City ku hogaamiyay hanashada horyaalka Premier League.

Dhanka kale goolhayaha Manchester City Ederson ayaa ku guuleystay abaalmarinta goolhayaha ugu fiican Premier League xilli ciyaareedkan isagoo shabaqa ilaashaday 16 kulan.

Ederson waxa uu abaalmarintaan ka qaaday goolhaye Burnley Nick Pope kaasoo shabaqa ilaashaday 15 kulan halka goolhayaha Liverpool Alisson Becker uu shabaqa ilaashada 13 kulan.

Dhanka kale Kevin de Bruyne oo isna maanta barbareeyay rikoodhkii Thierry Henry ee 20 caawin oo la sameeyay hal xilli ciyaareed horyaalka Premier League ayaa ku guuleystay abaalmarinta kubadsameeyaha ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan horyaalka Ingariiska.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII