RASMI: Ruben Dias oo u saxiixay Man City heshiis cusub oo gaaraya ilaa 2027

Isagoo kaga soo biiray Benfica bishii Sebtember ee la soo dhaafay, heshiiska cusub ee Dias wuxuu ku sii hayn doonaa kooxda ilaa xagaaga 2027.

24 jirkaan ayaa yimid Etihad Stadium isagoo ka yimid Benfica intii lagu guda jiray suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay wuxuuna saameyn deg deg ah ku yeeshay awoodiisa daafac.

Waxa uu u saftay 50 kulan tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay hal gool iyadoo kooxda Pep Guardiola ay kor u qaaday labada horyaal ee Premier League isla markaana ay sii xajisatay Carabao Cup iyo sidoo kale inay gaarto finalka Champions League markii ugu horeysay abid.

Muhiimada shaqsi ee Dias ayaa sidoo kale la aqoonsaday iyadoo ciyaaryahanka reer Portugal uu ku guuleystay abaalmarinta kubbadda cagta sannadka ee Qoraaga Kubadda Cagta.

Intaas waxaa sii dheer, Dias waxaa loo doortay labadaba Ciyaaryahanka ugu fiican Premier League iyo Ciyaaryahanka Etihad xilli ciyaareedkii hore asbuucii hore sidoo kale waxaa lagu dhawaaqay inuu yahay daafaca xilli ciyaareedka UEFA Champions League 2020/21.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here