RASMI: Quique Setien Oo Shaaciyey Liiska 23ka Ciyaartoy Ee Barcelona Kala Hor-tegayso Espanyol Iyo Afar Xiddig Oo Ka Maqan

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Tababaraha Barcelona ee Quique Setien ayaa soo saaray liiska ciyaartoyga kooxdiisa ee kulanka Catalan derby ee Arbacada ay garoonka Camp Nou isku haleelayaan Espanyol oo ay isku magaalo yihiin.

Tababare Setien ayaa liiska ciyaartoygiisa ka reebay afar ciyaartoy oo muhiim ah oo dhaawaca ku maqan, kuwaas oo mid ka mid ah aanay inta badan xili ciyaareedka xisaabta ku darsan.

Barcelona oo guul weyn oo 4-1 ah ka gaadhay Villarreal oo ay Sabtidii u tagtay, waxay kulan xaasaasi ah ku qaabilaysaa Espanyol, waxaana looga baahan yahay guul si ay horyaalka LaLiga ugula sii tartami karaan Real Madrid oo afar dhibcood ka horreysa.

LaLiga oo ay ka hadhsan yihiin afar ciyaarood oo kaliya, Setien iyo xiddigihiisa ayaa ku qasban inay saddexda dhibcood ee kulankan helaan, haddii kale waxay fursad siinayaan Real Madrid oo hore ugu sii siqi doonta inay koobka qaadato hal ciyaar kaddib.

Junior Firpo, Samuel Umtiti, Frenkie de Jong iyo Ousmane Dembele oo dhamaantood dhaawac ah ayaan ku jirin liiska ciyaartoyda Barcelona, laakiin waxa taam ah oo la filayaa inay mar kale wada-jir u hoggaamin doonaan Lionel Messi, Luis Suarez iyo Antoine Griezmann.

Liiska 23ka ciyaartoy ee Quique Setien usoo xushay kulanka Espanyol:

Goalka: Marc-Andre ter Stegen, Neto, Inaki Pena.

Difaaca: Nelson Semedo, Gerard Pique, Clement Lenglet, Jordi Alba, Ronald Araujo, Dani Morer, Jorge Cuenca.

Khadka dhexe: Ivan Rakitic, Sergio Busquets, Arthur Melo, Sergi Roberto, Arturo Vidal, Riqui Puig, Alex Collado, Monchu.

Weerarka: Luis Suarez, Lionel Messi, Antoine Griezmann, Martin Braithwaite, Ansu Fati.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII